Maxaabiis Jabsatey Xabsiga Dhexe ee magalada Baydhaba

0
30

Waxaa xalay xabsiga dhexe ee magaalada baydhaba ka baxsaday ku dhowaad 20 maxbuus oo ku xirnayd xabsigaas.

Maxaabiista oo u badnaa dhallinyaro lagu eedeeyay inay al-Shabaab ahaayeen, oo qaarkood xabsiyo muddo dheer ah ku xukunnaa ayaa la sheegay inay jabsadeen illinkii qolka ay xabsiga kaga jireen.

Saraakiisha ciidamada asluubta ee xabsiga dhexe ee Baydhabo ayaa sheegay in toddobo ka tirsanaa maxaabiista baxsatay gacanta lagu soo dhigay, iyadoo ay tilmaameen in maxaabiista kale ee baxsatay ay ku raad-joogaan.

Waa markii ugu horreeysay oo xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo ay maxaabiis ka baxsato tan iyo markii ay ciidamada dowladda al-Shabaab kala wareegeen magaalada horraantii sanadkan.

Daafeet.Com