Warbixin ku saabsan Isbaarooyinka yaala Koonfurta Somaliya

0
173

Kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa qaamuuska Afka Soomaaliga ku soo biiray erayo badan oo aad loo isticmaalo mis ahaana waxaa ka mid ah ISBAARO.

Isbaaradu waa qaab lagu kasbado dhaqaale xaaraan ah iyadoo loo maraay dhac loo gaysanaayo hantida sida gaarka ah loo leeyahay amaba tan danta guud ee ay dadku ka dhexayso,

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyo beelaha ku hubaysan gudaha magaalada ee Hawiye ayaa waxay ku caanbaxeen 22kii sano ee lasoo dhaafay dhaqaale ku raadin habkan xaaraanta ah ee Isbaarada waxayna gaareen in ay isbaara u dhigtaan wixii dhaqaaqaba.

Hadaba habkan ay caadeysteen beelaha aan kor ku soo sheegnay ayaa waxa ka dhiidhiyay Madaxweyne Xasan Shiikh oo u sheegay Isbaaroolayda beelaha Hawiye inay magaalada ka qaadaan isbaarooyinka hadii kalena uu xoog ku qaadi doono.

Inkasta oo ay ku dhowyihiin 60 Isbaarooyinka yaal Muqdisho ayaa hadana ilaa iyo maanta waxaa la qaaday in ka badan 25 Isbaaro kuwaasi oo ay dhogteen Beelo,madaxda Degmooyinka,Taliyayaalciidan,Maleesho beeleed iyo koox iskood u abaabulan iyo weliba madaxweynaha maamul goboleedka GalMudug.

Isbaarooyinka ilaa maanta la qaadayna waxaa ka mid ahaa;

1- Isbaarada Ex kontorool Afgooye: Waa isbaarada ugu waqtiga dheer, lacagta ugu badanna ay ka soo xerooto. Dad xog ogaal ah ayaa Raxanreeb u sheegay in isbaarada la dhigay sanadkii 1992-kii markii ay dhacday dawladii dhexe, inkastoo kooxo kala duwan ay kala qabsadeen mudadaasi.

Isbaarada Ekis Kontorool Afgooye waa tan ugu weyn uguna mudada dheer.

Isbaarada Ekis Kontorool waxay u taallay ciidamo ka tirsan dawlada oo ku abtirsada saddex beelood oo ka mid ah kuwa Muqdisho.

2- Isbaarada Baar Ismaaciil: Waxay ku taalla afaafka hore ee degmada Afgooye. Isbaaradan oo la sameeyay dhowr bilood ka hor markii ciidamada dawlada ay la wareegeen degmada Afgooye. Waxay u taalla ciidan ka tirsan militariga dawlada waxayna asal ahaan ku abtirsadaan labo beelood.

3- Isbaarada Ceelasha Biyaha; Waa kontorool yar oo dhowaan laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha. Waxaa lacago kooban baabuurta kaga qaadan jiray ciidamada booliska iyo kuwa waddooyinka ee dawlada oo si habqan ah baabuurta gacmaha ugu taagta.

4- Isbaarada Isgoyska Banaadir; Ma ahan jidgooyo muuqata, hase yeeshee maleeshiyo qabiil oo asal ahaan ka haray maleeshiyaadkii hogaamiye kooxeedka Cabdi Qeybdiid ayaa lacago kaga qaadan jiray baabuurta iyo dukaamada ku yaalla suuq cusub oo halkaasi laga sameeyay.

5- Isgoyska KM5; Maleeshiyo ku abtirsada kuwa Isgoyska Banaadir ayaa iyaguna baabuurta kaga gurta lacago aan xad lahayn isgoyska Soobe oo ka tirsan degmada Hodan.

6- Isbaarada Nasteexo: Waa jidgooyo taalla qeyb ka mid ah degmada Wadajir, xaafada ay ku taallo ee Nasteexo ayaana loogu magacdaray. Waxaa maamula maleeshiyo beeleed ku xoogan xaafadaasi.

7- Isbaarada Buulo Xuubey; Waxaa jooga maleeshiyo uu leeyahay gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir Xuseen Bootaan, waxaana dhaqaalsha ka yimaada isbaarada qaadan jiray gudoomiye ku xigeenka iyo maleeshiyadiisa.

8- Isbaarada Dan Wadaagaha; Waa jidgooyo ku taalla isgoyskii loo yaqaanay Dan-Wadaagaha ee degmada Wadajir oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhaqaalaha isbaarada ka yimaada waxaa uu u xaroodaa gudoomiyaha degmada Wadajie Axmed Daaci iyo maleeshiyadiisa.

9- Isbaarada Jiirada Garoonka; Waa jidgooyo taalla afaafka garoonka diyaaradaha Muqdisho, maleeshiyada joogta iyo dhaqaalahaba waxaa ka masuul ahaa gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci.

10- Isbaarada Suuqa Weyn; Waxay taallaa bartamaha suuqa weyn ee degmada Wadajir. Waxaa maamula maleeshiyo daacad u ah gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci.

11- Isbaarada Mac-macaanka; Waa jidgooyo laga sameeyay xaafada Mac-Macaanka ee degmada Dharkeenley, waxaana dhaqaalaha ka yimaada kala qeybsan jiray maleeshiyo iyo taliyaha booliska degmada Dharkeenley oo ay isku heyb yihiin.

12- Isbaarada Jiiro maskiin; Waxay ku taallay dhabarka dambe ee safaaradii hore ee Mareykanka. Waxaa iska leh maleeshiyo beeleed ku sugan degmada Dharkeenley. Isbaaradan waxay kuwa kale kaga duwaneyd in mararka qaar baabuurta iyo rakaabka lagu dhibaateyn jiray.

13- Isbaarada xaafada Macalin Nuur; Waxay ku dhowdahay masjidka weyn ee Macalin Nuur (xaafada Salaama) degmada Dharkeenley. Waxaa iska lahaa maleeshiyo hoostagta maamulka degmada Dharkeenley.

14- Isbaarada Galbeed: Waa jidgooyo kudhow saldhigii booliska ee Galbeed ee degmada Dharkeenley. Waxaa dhigtay koox maleeshiyo oo ka tirsan ciidamada dawlada ee saldhiga Xoosh, waxaana lacago tiro yar ay kaga guran jireen baabuurta rakaabka oo kaliya.

15- Isbaarada Suuq Liif; Waa jidgooyo ay dhigteen maleeshiyo horey uga tiraneyd ururkii Maxkamadaha ee taabacsanaa Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaana maleeshiyadan ay hoostagaan nin lagu magacaabo Cali Cadde oo mar ka mid ahaan jiray saraakiisha Villa Soomaaliya.

16- Isbaarada Xoosh; Waa jidgooyo ay sameysteen koox maleeshiyo ah oo aan hoostegin dawlada. Waxaana ay ku abtirsadaan beel gaar ah. Waxaase xusid mudan in maleeshiyada isbaaradan joogtay ay qaarkood ku jireen rag ka soo goostay Al Shabaab.

17- Isbaarada Dabaqeyn; Waa jidgooyo waqti la sameeyay, waxaana dhigtay maleeshiyo taabacsan dawlada oo hab qabiil u dhisan. Waxayna lacagta kaga qaataan baabuurta dadweynaha ay raacaan ee u kala goosha degmada Kaxda iyo Dharkeenley.

18- Isbaarada Ceel Dheere: Waa isbaaro cusub oo laga sameeyay xaafada Ceel Dheere ee degmada Dharkeenley, waxaayna ay hoostagtaa maleeshiyo madax bannaan oo aan ka tirsaneyn ciidamada dawlada.

19- Isgoyska Towfiiq; Waa jidgooyo ka mid ah kuwa cusub ee laga sameeyay degmooyinka dhowaan dawladu la wareegtay, gaar ahaan degmada Yaaqshiid. Isbaaradan waxay hoostagtaa gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Xasan Jurus.

20- Isbaarada Sanca; Waa jidgooyo laga sameeyay Isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid oo ka mid ah meelaha ay ciidamada dawladu sanadkii hore ay la wareegeen. Isbaarada waxaa joogay maleeshiyo beeleed hoostagta gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Jurus.

21- Isbaarada Cali Kamiin; Waa isbaaro ay sameeyeen maleeshiyo hostagta gudoomiyaha degmada Hawlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar oo lacagta kaga gurta baabuurta.

22- Isbaarada Kaaraan; Waa isbaaro hore o dib loo soo celiyey oo ku taalla degmada Kaaraan. Isbaaradan waxaa iska leh maleeshiyo daacad u ah hogaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow xildhibaan ka ah baarlamaanka Soomaaliya, isaga ayaana lacagta ka timaada loo geeyaa.

23- Isbaarada Xamarweyne; Waa jidgooyo yar oo lacago looga guro baabuurta raklaabka. Waxaa sameystay maleeshiyo hoostagta gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Gardhuub.

24- Isbaarada Tarabuunka; Waa jidgooyo ay ka sameysteen maleeshiyo madax bannaan isgoyska Tarabuunka oo hadda hoy u ah dadka barakacayaasha, waxaana maleeshiyadan ay xiriir la leeyihiin ciidamada dawlada iyo maamulka degmada Hodan.

Dhaqaalaha ka yimaada isbaarooyinkan waa uu kala duwan yahay, inkastoo aaney noo suurtagelin in aan helno xog sax ah oo muujineysa inta ay cadad ahaan dhan tahay.

 

WARBIXIN INOOGA TIMID XAMAR HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO.

WARBIXIN ISBAARO

Daafeet.Com