Daawo Sawirada Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska In Saalax Sheekh Cusmaan oo Ka WarBixiyey Safarkii uu Ku Tegey Marooko

0
41

Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Inj. Saalax Shiikh Cismaan ayaa ka Warbixiyey Safar uu ku tagay Magaalada Rabaad ee xarunta dalka Marooko, halkaasoo uu kaga qayb-galay shirka horumarinta Magaaleynta ee Qaaradda Afrika, kaasoo socday 11-12 Bishaan.

Wasiirka Howlaha Guud, Inj. Saalax Shiikh ayaa sheegey in shirka uu ka jeediyay khudbad uu kaga warxbiyay xaaladda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca Magaaleynta iyo Guriyeynta.

Isagoo sii hadlaya ayuu Wasiirku mar kale yiri. “Dalka Waqtigaan Nabaddiisa wa la isku haleyn karaa, sidaa darteed waxaan dalalka Afrika iyo Waddamada kale ee Caalaamka ka codsannay inay Somalia ku sameeyaan dib u dhis si loo hormariyo loona abuuro Magaalooyin cusub.“

Dhanka kale, Wasiirka hawlaha guud Inj. Saalax Sheekh intii uu k sugnaa Marooko wuxuu kulan la yeeshey RW dalkaas, Maxamed Nabiil oo ahaa dalkii mar-tigeliyay shirkaas, waxayna isla soo qaadeen xaaladda Somalia iyo sidii Maroko ay uga qayb -qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya.

Ing Salax

ing Salax1

ing salax2