Shariif Xasan oo Ka Baaqdey Safarkii London Iyo Ex Xildhibaan Cali Afgooye oo Qasaaro Aad U Badan Kasoo Gaartey Baqashadaas

1
28

Wararka ka imaanaya dalka ingiriiska magalada London ayaa la sheegayaa in safarkii uu Shariif Xasan ku iman lahaa dalka ingiriiska uu baaqdey baaqashada safarka shariif ayaa lagu waramayaa in ay ka dambeysey kadib kolkii siyaasada dalka somaliya meel xasaasi ah gashey taasi oo sida aan wararka ku heleyno looga maarmi waayey shariifka inuu qeyb ka noqdo wada xaajoodka siyaasada somaliya lagu furdaaminaayo.

Dhanka kale ex xildhibaan Cali Afgooye oo isaga soo dhaweynta Shariif Xasan dhaqaalaha ugu badan ku bixinaayey ayaa dhaqaale ahaan wexey qasaarihiisa gaareysaa lacag ku dhow sideed kun oo dollarka mareykanka.

Ex xildhibaan Cali Afgooye oo la xiriirey qaar ka mid jaaliyada ayaa u Sheegey in baaqashada shariifka ay qasaaro badan kasoo gaartey isagoo sidoo kale sharaxaad ka bixiyey qaabka ay uga baxdey lacagta cadadaas la eg ee uu sheeganaayo, Cali ayaa sheegey inuu wefdiga shariif Xasan usoo kireeyey hottel Milliniam oo ka mid ah hotelada ugu qaalisan magalada london una qabtey hal Suites oo loogu tala galey Shariif Xasan iyo seddex qol oo loogu tala galey wafuuda la socotey sidoo kalana wuxuu soo kireeyey 4 baabuur oo kuwa ugu qaalisan ah.

Si kastoo loo dhigaba Ex xildhibaan iyo qaar kaloo garba duub ugu jirey soo dhaweynta Shariif Xasan ayaa waxaa ay weji rabeen iney kaga sameystaan Shariif Xasan si ay mustaqbal uga helaan xilal maamulka shariif iyo midka dowlada federaalka ” Imaan Alaa Uur Buuxsha “

1 COMMENT

  1. Cali afgooye waxaa thy nin dhulkiisa mooryaan iyo sakiin uheshiiyeen oo dadkiisa dhibaateysan oo dhulkiisa 50 isbaaro taal beerihiisa iyo naagahiisana lakufsado sidee damiirkaagu kuu siiyey inaad 8 kun oo soo dhoweyn keliya aad ku bixiso illaaheey beydkiisa maad ku aadid misana sadaqeysatid sheydaan sakiin intaad kusoo dhaweyn laheyd digiloow caqli yeesha kuwaan ayaa idinku dhex jiree horumar hasina

Comments are closed.