Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga oo maanta booqasho ku tegey Magalada Marka

0
34

Wafdi heer sare ah ee uu hogaaminayey wasiirka Gaashaandhiga,wasiirka arimaha Gudaha,wasiirka Cadaalada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa mudo laba maalmood ah waxay booqdeen caasimada gobolka Shabeelaha hoose ee magaalada Marka intii ay joogeena waxay la kulmeen dhamaan qaybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan gobolka,mas’uuliyiinta heer degmo iyo gobol iyo taliyayaasha ciidamada ee jooga gobolka.

Inkasta oo guud ahaan warbaahinta ay u sheegeen wasiiradii booqday magaalada Marka in ay kala hadleen qaybaha kala gedisan ee bulshada gobolka sugida amniga ayaa hadana wasiirada waxaa lagu weeraray gelidii magaalada iyo kasoo bixidii ay kasoo baxayeen taasina waxay xudun u tahay in aan amni ka jirin gobolka wax laga wada hadlana aanu ahayn amni.

Wafdiga iyo qaabka loo soo xulay

Wafdigan waxaa soo xulay Ra’isulwasaare Saacid ka sokow wasaaradaha ay madaxda ka yihiin ayaa waxaa hadana laga dheehan karaa inay yihiin wasiiro kasoo jeeda deegaanka gobolka Shabeelaha hoose sida wasiirada Gaashaandhiga iyo kan Cadaalada(Digil iyo BiyoMaal) iyo wasiirka arimaha Gudaha oo kasoo jeeda beesha xooga ku haysato gobolka Shabeelaha hoose ee Habargidir halka beelaha deegaanka iyo kuwa duulaanka in badan oo ka mid ah xildhibaanadooduna ay safarka ku wehliyeen wasiirada.

Maxaa laga wada hadlay

waxaa laga wada hadlay qodobo badan oo khuseeya sidii gobolka looga dulqaadi lahaa haraadigii Burcad-beeleedkii Habargidir ee Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade maamul ahaan iyo weliba ciidan ahaan waxaana wasiirada si cad loo tusay shaxda wasaaradii hore ee arimaha gudaha DFKMG ahayd ee Soomaaliya ee uu ku saxiixan yahay Cabdisamad Macalin Maxamed taasi oo gobolka 10% oo kaliya ay maamulka siinaysay beelaha deegaanka kuwa duulaankuna 90% halka guud ahaan ciidamada jooga gobolkuna ay yihiin Maleeshiyadii Xisbul Islaam garabkii Yuusuf Indhacade ee ku biiray Dowlada oo tuutaha ciidamada dowlada loo soo labisay sidoo kale ayaa qaybaha bulshada gobolka kala hadlay wafdiga Isbaarooyinka,Dilalka,Dhaca,Barakicinta, Caga-juglaynta iyo weliba Kufsiga ka socda gudaha gobolka gaar ahaan deegaanada gobolka ee ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada.

Gunaanadkii kulanka

Qaybihii kala gedisnaa ee bulshada oo ay la kulmeen wafdiga ayaa dhamaan waxay isla meel dhigeen in si deg deg ah gobolka looga qaado guud ahaan ciidamada beelaha duulaanka laguna bedelo ciidamo deegaanka ah sidoo kalena maamulka gobolka ee hada jiro lagu bedelo mid ka turjumaaya rabitaanka dadka gobolka oo laga saaro maamulka xubnaha beelaha duulaanka halka wasiiradu ay wada qireen in Isbaaro,Dil,Dhac,Barakicin, Caga-juglayn iyo Kufsiga midna aan loo gaysan doonin dadka gobolka oo ay dowladu qaadanayso mas’uuliadaas.

Si kasta oo loo dhigaba talaabadan ay qaaday dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugaayaa inay fuliso maadaama dadka gobolka Shabeelaha hoose ay dulmi maamul ku hoos jireen tan sanadkii 1972-dii oo ahayd markii gobolka uu gobol gaar ah ka noqday gobolweynihii Banaadir.

 

 

Daafeet.Com