wp_flash_img_show will display here (config: default)
Xasan Aadan

Kulan ay isugu Yimaadeen Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Dalka Australia (Sawirro)

Waxaa magalaada Melbourne kulan degdeg ah isugu yimid Jaaliyada Digil Mirifle, Australia. Shirka waxaa loogu hadlay arrimo la xariiran dhisida dowlada goboleedka deegaanada Digil-Mirifle ee Soomaaliya.

Kulankaan degdeg ahaa waxaa kasoo qayb galay kooram buuxa oo ka mid ah xubnaha Jaalliyadda, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Aweys Sheikh Muxiyadiin Amiin oo ay garab fadhiyeen labadiisa guddoomiye kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim (Sydney) iyo Mudane Cabdi Cabdiraxmaan Sheekh, iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud.

Waxaa shirka ka soo qayb gashay Fadumo Hussein (Faayow) booqasho rasmi ah noogu timid magaaladda Brisbane. Faayow oo in muddo ku maqneed Soomaalya howlo la xariira dhismaha dowlad gobleedka ayaa warbixin ka bixisay qaabka ay u socdaan dhismaha dowlad ee degaanada Digil-Mirifle.

Kulankaan degdegga ahaa laysugu yeeray si qotadheerna halkaa loogu lafaguray wuxuu ahaa howsha dhismaha dowlad-goboleedka Koonfureed ee haatan ka socota Muqdisho iyo qaabkii Jaaliyada door weyn ugu qaadan laheed dhisida maamulkaas.

Muddadii shirka lagu guda jiray ayaa waxaa fursad loo helay in si toosloola hadlo Guddiga Farsamada dhisada dowlad goboleedka ee ay dhawaan soo magacaabeen Malaaqyada iyo Suldaanada Digil-Mirifle ee ku sugan magaalada Muqisho.

Ka qeybgalayaasha shirka waxay warbixin ka dhegeysteen xubnaha Guddiga Farsamda qaar ka mid, iyadoo ayagana talo iyo tusaalooyin siiyey Guddiga, waxayna balan qaadeen in ay gacan balaraan ka gaysan doonaan howshaan muhimka ah.

Goobta shirka waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ka howlgala qaabkii Jaaliyada uga qeyb qaadan lahayd dhisidda dowlad goboleedka.

Shirkaas, waxaa sidoo kale si weyn loogu soo dhaweeyey Jeneral Maxamed Cali Atoosh oo dhawaan ka yimid dalka Soomaaliya. Jeneraalka ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaaladaha soo maray wadanka Soomaaliya laga soo bilaawo 1950 illaa iyo maanta, Jeneraal Maxamed Cali Atoosh waxuu ka warbixiyey xaaladda manta uu marayo wadanka, dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, nabad-gelyada, arrimaha bulshada, iwm.

Jeneraal Atoosh, waxuu Jaaliyada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimada, isixtiraamaan, wax-wada qabsadaan, asagoo ku adkeeyey in ay door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska iyo horumariinta wadanka.

Daafeet.com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Wararkii U Danbeeyay

tahriib Daawo:- Tahriibayaal Laga soo Badbaadiyey Bada u Dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya
- Apr 21, 2015
Waxaa beryahan dambe dowlada talyaaniga ay xooga saareysey sidii ay usoo badbaadin laheyn tahriibayaal ...
madoobe iyo afarale Dhegeyso: Kuwii Shaley Axmed Madoobe Gacanta U Geliyey Koonfur Galbeed Oo Maanta Cabaad Lasoo Taagan
- Apr 21, 2015
Waxaa maalintii shaley warbaahinta kula hadley magalada baydhaba Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale iyo xildhibaan ...
shariif Shariif Xasan oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Sarkaal Itoobiyaan ah Oo Qeyb Lixaad ka Qaatey Burburintii Maamulka Lexda Gobol
- Apr 21, 2015
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii shaley waxaa uu shahaado sharaf gudoonsiiyey Sarkaalka Madaxda ...
amisom Dhegeyso: Amisom oo Ka Warbixineysa Weerar Dhibaato Shaley Loogu Geystey oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose
- Apr 20, 2015
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col Njuguna oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka Warbixiyay Weerar Shalay ...
kenya Daawo Culumaa’udiinka Somaliyeed ee Ku Nool Dalka Kenya oo Cambaareeyey Qarixii Ka Dhacay Jaamacada Gaarisa
- Apr 20, 2015
Culumaa'udiinka somaliyeed ee ku noo dalka kenya ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxaa ay ...