Shirkii Looga Hadlaayey arimaha Bini’aadanimada oo Maanta Lasoo Gabagabeeyey

0
42

Hoggaamiyayaasha Caalamka, Qaramada Midoobay, Wakiilada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha gargaarka kuwa caalamiga ah iyo kuwo aan dowliga ahayn, ayaa u fadhiyay shir laba maalmood ah.

Ujeeddada Shirkaan ayaa ahayd sidii wax looga badali lahaa nidaamka wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadaminimo ee ka dhasha khilaafyada iyo dagaalada, masiibooyinka dabiiciga ah iyo isbadalka cimilada.

Illaa 60 milyan oo qof, ayaa dunida ku guryo beelay, sababahaas awgood, ilaa 130 milyan oo ka mid ah waa dad u baahan in la caawiyo.

Waxaa la sheegay in lagu Guul-darreystay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Arrimaha bini’aadaminimada.

Xoghayaha guud ee QM, ayaa ugu baaqay dowladaha Dunida, ganacsiyada iyo hay’adaha gargaarku in ay go’aansadaan in kala bar ay noqdaan tirada dadka guryahooda ka barakacay marka la gaaro sanadka 2030.

Madaxwaynaha Turkiga Tayyib Erdogan, waxaa uu yiri heerka burburka nidaamka bini’aadaminimo ee dunida wuxuu gaaray mid laga naxo.