Askari Caawa lagu Dilay Magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Askari katirsan Ciidamada Nabad Sugida ee PSta.

Askarigaan ayaa waxaa latilmaamay in ay dileen kooxo ku hubeesan bastoolado ayaa waxaa latilmaamay in ay labeegsadeen rasaas xoogan oo ay si wada jir ah ugu fureen qeybta sare ee Jirkiisa taas oo ugu danbeentii sababtay in uu u geeriyoodo.

Waxaana ay sheegayaan wararka halkaasi naga soogaaray in Askarigaan lagu magacaabi jiray (Liboow) lagu dilay Garoonka Dr. Ayuub Studiam ee magaalada Baydhabo.

Kooxihii dilkaan geestay ayaa waxaa latilmaamay in ay durbadiiba kabaxsadeen goobta ay dilka ka geeysteen oo aysan jirin cid gacanta ku dhigtay.

Ciidamada Dowladda ayaa durbaba bilaaway howlgallo ka dhan ah dilkaaan, iyadoo aan la ogeyn illaa iyo hadda cidd loo soo qab qabtay.

Daafeet.com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...
kis Warbixin dhab ka hadal ah..Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa.
- May 20, 2013
Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa. Halkan ...
xil Xildhibaano kala ujeedo ah balse ku midaysan ridida Saacid.
- May 20, 2013
Xildhibaano aanan isku dan aheyn oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa isku fakir ka ...
askar Dagaal ka dhacay Faafax-dhuun iyo mushaaraad la qeybiyey askarta Dowlada.
- May 20, 2013
Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa ...
kaliil Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay ka soo horjeedaan Is Magacaabida Axmed Madoobe ee Jubboland
- May 20, 2013
Mas,uuliyiiinta ugu sareysa Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay si weyn ...