Askari Caawa lagu Dilay Magaalada Baydhabo

0
35

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Askari katirsan Ciidamada Nabad Sugida ee PSta.

Askarigaan ayaa waxaa latilmaamay in ay dileen kooxo ku hubeesan bastoolado ayaa waxaa latilmaamay in ay labeegsadeen rasaas xoogan oo ay si wada jir ah ugu fureen qeybta sare ee Jirkiisa taas oo ugu danbeentii sababtay in uu u geeriyoodo.

Waxaana ay sheegayaan wararka halkaasi naga soogaaray in Askarigaan lagu magacaabi jiray (Liboow) lagu dilay Garoonka Dr. Ayuub Studiam ee magaalada Baydhabo.

Kooxihii dilkaan geestay ayaa waxaa latilmaamay in ay durbadiiba kabaxsadeen goobta ay dilka ka geeysteen oo aysan jirin cid gacanta ku dhigtay.

Ciidamada Dowladda ayaa durbaba bilaaway howlgallo ka dhan ah dilkaaan, iyadoo aan la ogeyn illaa iyo hadda cidd loo soo qab qabtay.

Daafeet.com