Dhegeyso Golaha Qurbo Joogta Koonfur Galbeed oo Maanta Xafiis Ka Furtey Magalada Baydhabo

0
37

Waxaa maanta lagu daahfurey magaalada Baydhabo laguna furi doonaa Xafiis xaruun u ah Soomaaliya Golaha Qurbojoogta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxgarad, Siyaasiyiin, Ardeyda Jaamacadaha, Dhalinyarada, Odayaasha Magaalada, Abwaano isugu yimid Xaruunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya si loogu daahfuro Golaha Qurbojoogta Koonfur Galbeed looguna dhawaaqo Wakiilka Soomaaliya ee Golahaas Mudane Fowzi Abdinur Mohamed.

Ugu horeyntii ayada Quraanka kariimka ayaa lagu akhriyey ka dib waxaa Wakiilka Golaha Qurbojoogta Koonfur Galbeed Mudane Fowzi Abdinur Mohamed soo bandhigey erayadii munaasabadda loogu talo galay oo ah shaacinta Golaha iyo adeegyada uu golahaan u istaagay inuu ka qabto degaanadaan, wuxuuna soo bandhigay dhismaha golaha (Structure).

Golaaan waxaa lagu aasaasay Dalka Maraykanka markii ay isu tageen Aqoonyahano, Indheergarad, Dhalinyaro iyo Odeyaal taasoo ku dhalisay baahida in la dhiso golahaan una adeego baahida ka jirta wadanka gudihiisa ayadoo laga ambaqaadaayo in si gacan mugleh looga geesto adeegyada bulshada sida; Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee degaanada uu golahaan ka hawlgali doono, waxaana intaasi u wehliso golahaan u doodida xaquuqda insaanka guud gaar ahaan tan haweenka soomaaliyeed oo runtii maanta u baahan u doodista xaquuqdooda.

Waxaa hadalka intaas ka qaatay Abwaan Maxamed Xasan Cusmaan (Canjeex) oo runtii tilmamay baahida loo qabo in golahaan uu ka hawlgalo magaalada baydhabo wakiilkiisana uu ku sugan yahay isla magaaladaan waa nasiib u soo hooyatey magaaladaan iyo shacbigeeda oo in badan ku dulman waxqabadka qurbojoogta iyo kan dowladeedba,

Waxaa ka hadlay Mudane Idiriss Cabdi Takhtar oo ah Guddomiye ku xigeenka Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed oo isgana ka dhawaajiyey in golayaasha qurbojoogta inay mideeyaan siyaasadooda waxqabad si aysan u dhicin overlap ama isku waxqabad isku mid ah si baahiyaha jira laysla wajaho loogana gaaro xal mideysan.

Waxaa ka hadlay Maxamed Ibraahim Maxamed (Yarowka) oo ka mid ah odayaasha magalada wuxuuna soo dhaweeyey Golahaan ama madashaan iyo wakiilka golaha oo runtii looga fahdiyo waxqabad iyo midnimo.

Waxaa ka hadlay Prof. Maxamuud Maxamed Isaak (Abuurjeele) oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed oo in badan ka hadlay golayaashaan iyo sida ay wax uga qaban karaan bulshooyinka soomaaliyed ee gudaha ku nool haddii laga helo wadashaqeyn iyo maamul wanaag.

Waxaa kaloo ka hadlay goobtaas Midowga Ardeyda Koonfur Somaaliya Amina cabdikarin maxamed oo runtii muujisey siday ugu faraxsan tahay daahfurka golahaan Qurbojoogta Koonfur galbeed oo ah waxyaabaha ay sugaayeen si kor loogu qaado himilooyinkooda helaan goleyaal ay la yeeshaan wadashaqeyn dhinac badan taabanaayo taasoo la shaqeynta golahaan ama ku dhex shaqeynta golahaan ay dhinacyo badan ka faaideysan doonaan.

Ugu dambeyntii waxaan Xafladaasi soo Gebagabeeyey Prof. Mohamed Ali Ahmed (Kalaay) oo hadaladiisa dhinacyo badan taabanaayey oo isugu jiray hambalyo iyo bogaadin isagoo soo dhaweeyey furitaanka xafiiska golaha iyo wakiilka Soomaaliya oo ah qof ay si fiican isu yaqaanaan kana soo bixi doono muhimadda loo igmaday isagoo Golaha Qurbo joota Koonfur Galbeed u rajeeyey inuu wax badan isbedel ah laga filaayo waayo kuma yara magaaladaan magacyo badan oo goleyaal wata laakiin kan wuxuu u egyahay in mid ka gedisan qaabkiisa waxaan si fiican ula soconaa qaabkiisa iyo sida uu ku dhismay wuxuuna ku soo gunaanuday hadalkiisa guul iyo horumar baan u rajeyneynaa golahaan.

hadaba, waxay ummaddaan ka dhursugtaa Golaha qurbo joogta koonfur galbeed ee maanta laga furay xafiiskiisa looga dhawaaqey ka hawlgalkiisa dalka soomaaliya.

South West Diaspora

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

South West Diaspora Mobil

[slideshow_deploy id=’26045′]