Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ku dagaalamey deegaanka Garsaale

0
38

Dagaal qasaare geystey ayaa ka dhacay deegaanka Garsaale oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jowhar dagaalkaasi oo ey isaga hor yimaadeen Cidamada Dowlada iyo kuwa Alshabab.

Iska horimaadkan ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa ku dhintey Todoba Askari waxaana ku dhaawacmey in ka badan 10 Askari oo intaba ka wada tirsan kooxihii halkaasi isku gacan saarey.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada dolwadda, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu cuslaa oo gobolka Shabeellada dhexe ku dhexmara ciidamada dowladad iyo Xarakada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo, Asad Qaasim ayaa sheegay in 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaalka oo muddo saacado ah socday, isagoo sheegay in dhankooda uu kaga dhintay hal askari laba kalena ay kaga dhaawacmeen.

Wax hadal ah kama soo bixin dhanka Alshabaab oo ku aadan dagaalkaas.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa deggen saakay, iyadoo degaankaas ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM.

Daafeet.Com