Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ku dagaalamey deegaanka Garsaale

Dagaal qasaare geystey ayaa ka dhacay deegaanka Garsaale oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jowhar dagaalkaasi oo ey isaga hor yimaadeen Cidamada Dowlada iyo kuwa Alshabab.

Iska horimaadkan ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa ku dhintey Todoba Askari waxaana ku dhaawacmey in ka badan 10 Askari oo intaba ka wada tirsan kooxihii halkaasi isku gacan saarey.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada dolwadda, iyadoo dagaalkan uu noqonayo kii ugu cuslaa oo gobolka Shabeellada dhexe ku dhexmara ciidamada dowladad iyo Xarakada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo, Asad Qaasim ayaa sheegay in 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen dagaalka oo muddo saacado ah socday, isagoo sheegay in dhankooda uu kaga dhintay hal askari laba kalena ay kaga dhaawacmeen.

Wax hadal ah kama soo bixin dhanka Alshabaab oo ku aadan dagaalkaas.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa deggen saakay, iyadoo degaankaas ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

kis Warbixin dhab ka hadal ah..Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa.
- May 20, 2013
Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa. Halkan ...
xil Xildhibaano kala ujeedo ah balse ku midaysan ridida Saacid.
- May 20, 2013
Xildhibaano aanan isku dan aheyn oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa isku fakir ka ...
askar Dagaal ka dhacay Faafax-dhuun iyo mushaaraad la qeybiyey askarta Dowlada.
- May 20, 2013
Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa ...
kaliil Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay ka soo horjeedaan Is Magacaabida Axmed Madoobe ee Jubboland
- May 20, 2013
Mas,uuliyiiinta ugu sareysa Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay si weyn ...
goobe Nabad Sugida oo beenisay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay kulan ka hor istaagtay
- May 20, 2013
Taliska Nabad Sugida ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar ay sheegeen qaar ka ...