Amisom oo sheegtey in ey Alshabab ka nadiifin doonto wadada isku xirta Marka ilaa iyo Afgooye

AMISOM ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo lagu adkeynayo ammaanka jidka isku xirta magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Lambar 50 ee isla gobolka Shabeellada hoose, kaddib laba weerar lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo waday wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay waddadaas.

Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen wasiirka arrimaha gudaha, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka garsoorka, C/llaahi Abyan Nuur ayaa shalay lagu weeraray inta u dhexeysa Marko iyo Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu khasaare kasoo gaaray ilaaladii wafdiga.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab looga adkaaday dagaalladii lagula galay gobollada Koonfurta Soomaaliya, lana sii wadayo sidii lagu xaqiijin lahaa goobaha yaryar ee ay weerarrada ka geystaan. Isagoo xusay in weerarkii dhacay uu ahaa mid ku dhacay qaab dhuumaaleysi ah.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka AMISOM waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...