Amisom oo sheegtey in ey Alshabab ka nadiifin doonto wadada isku xirta Marka ilaa iyo Afgooye

0
25

AMISOM ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo lagu adkeynayo ammaanka jidka isku xirta magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Lambar 50 ee isla gobolka Shabeellada hoose, kaddib laba weerar lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo waday wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay waddadaas.

Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen wasiirka arrimaha gudaha, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka garsoorka, C/llaahi Abyan Nuur ayaa shalay lagu weeraray inta u dhexeysa Marko iyo Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu khasaare kasoo gaaray ilaaladii wafdiga.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab looga adkaaday dagaalladii lagula galay gobollada Koonfurta Soomaaliya, lana sii wadayo sidii lagu xaqiijin lahaa goobaha yaryar ee ay weerarrada ka geystaan. Isagoo xusay in weerarkii dhacay uu ahaa mid ku dhacay qaab dhuumaaleysi ah.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka AMISOM waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Daafeet.Com