Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhowayd booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehliya raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül, raysul wasaare Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu socdaalkoodu la xiriiro xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii madaxda sare ee dalka Turkiga ay ugala hadli lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ammaanka, milateriga iyo dhaqaalaha.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

xildhinaada Xildhibanada barlamanka oo mar kale Kalsoonida siiyey Xukuumada Mooshinkiina daaqada ka saarey
- May 22, 2013
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida ...
AU_&_Somalia_1 Ra’iisul wasaaraha Dalka Somaliya oo maanta la kulmey Wakiilka Midowga Africa u qabilsan Somaliya
- May 22, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ...
mooshin Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
DSC03383 Maamulka Gobolka Bay oo la gudoonsiiyey Diyarado yar yar oo iyaga is wada
- May 22, 2013
Gelinkii dambe ee shaley ayaa waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo wafuud heer caalami ah. Wafuudan ...
barlaman Xildhibanada Barlamanka oo maanta ka doodi doona Moshinkii dhawaan la horgeeyey Barlamanka
- May 22, 2013
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ey ka doodaan mooshin ka dhan ...