Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga

0
37

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhowayd booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehliya raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül, raysul wasaare Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu socdaalkoodu la xiriiro xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii madaxda sare ee dalka Turkiga ay ugala hadli lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ammaanka, milateriga iyo dhaqaalaha.

Daafeet.Com