Xerooyinka Qaxootiga ee IDP’s oo noqdey xerooyinka lagu kufsado haweeenka kasoo barakacay Koonfurta Somaliya

Waxaa soo if baxaya dhibaatooyin ka taagan xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada muqdisho kuwaas oo maalin walba lagu kufsado haweenka halkaasi ku jira ayagoo aan loo kala saarin mid Da’a weyn iyo mid Da’a yarba.

Xerooyinka IDP’s ayaa waxaa ey noqdeen kuwo lagu gumaado dadka kasoo bara kacay koonfurta dalka somaliya, dadka ku jira xerooyinkaas ayaa marar badan waxaa ey cabasho u direen dowlada taasi oo aan ilaa iyo hada waxba laga qaban.

Si aan u ogaano in ey arimahaas sax yihiin ayaan waxaan isku deyney in aan la hadalno wax garadka kasoo jeeda koofurta somaliya waxaana ey inoo xaqiijiyeen in arintaas ay tahay sax oo ey hada taagan tahay xeer aanba laga hadlin.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaatooyinkan loo geysano shacabka kasoo jeeda koonfurta somaliya ee ku jirta xerooyinka IDP’s ayaa waxaad mararka qaarkii in ay raali ka yihiin xildhibaada matala shacabkaas ayaga ah oo caadeystey in ey buuxiyaan kuraasta baarlamaan shacaba la gumaadayana arimahooda eysan la hadlin.

Wareysiga arimahaas iyo kuwo kale ku saabsan waxaan la yeelan doonaa Suldaan Warsame Ibraahin Caliyow iyo Malaaq Maxamed Yacquub iyo aqoonyahan Abdi Adam Hoosoow, Waxaana idinku soo tebin doonaa barnaamijkeenii Dadow Doodnoy haduu ala idmo maalinta Axada taariiqduna tahay 9/12/12.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

breaking n War Deg Deg Ah:- Rag isku Qarxiyey Xarunta UNDP ee Magalada Muqdisho
- Jun 19, 2013
Warar goordhaweyd aynu ka helney Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ...
sacid Reysulwasaraha Dowlada Federalka oo sheegey in xukuumadiisa ey Muhiimada koowaad saari doonto Waxbarashada
- Jun 19, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa ka hadlay qorshaha ...
jeylani Wefdi uu Hogaaminaayo Gudomiye Kuxigeenka Kowaad ee Barlamaanka oo ka qeyb galaya Shirka ACP-EU
- Jun 19, 2013
Wafdi ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ...
amison Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo la wareegey deegaanka Furuqleey
- Jun 18, 2013
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay shalay deegaanno ka tirsan gobolka ...
kismaayoow Gudomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Magalada Kismaanyo oo la dhaawacay
- Jun 18, 2013
Warar naga soo gaarey Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ...