Xerooyinka Qaxootiga ee IDP's oo noqdey xerooyinka lagu kufsado haweeenka kasoo barakacay Koonfurta Somaliya

0
48

Waxaa soo if baxaya dhibaatooyin ka taagan xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada muqdisho kuwaas oo maalin walba lagu kufsado haweenka halkaasi ku jira ayagoo aan loo kala saarin mid Da’a weyn iyo mid Da’a yarba.

Xerooyinka IDP’s ayaa waxaa ey noqdeen kuwo lagu gumaado dadka kasoo bara kacay koonfurta dalka somaliya, dadka ku jira xerooyinkaas ayaa marar badan waxaa ey cabasho u direen dowlada taasi oo aan ilaa iyo hada waxba laga qaban.

Si aan u ogaano in ey arimahaas sax yihiin ayaan waxaan isku deyney in aan la hadalno wax garadka kasoo jeeda koofurta somaliya waxaana ey inoo xaqiijiyeen in arintaas ay tahay sax oo ey hada taagan tahay xeer aanba laga hadlin.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaatooyinkan loo geysano shacabka kasoo jeeda koonfurta somaliya ee ku jirta xerooyinka IDP’s ayaa waxaad mararka qaarkii in ay raali ka yihiin xildhibaada matala shacabkaas ayaga ah oo caadeystey in ey buuxiyaan kuraasta baarlamaan shacaba la gumaadayana arimahooda eysan la hadlin.

Wareysiga arimahaas iyo kuwo kale ku saabsan waxaan la yeelan doonaa Suldaan Warsame Ibraahin Caliyow iyo Malaaq Maxamed Yacquub iyo aqoonyahan Abdi Adam Hoosoow, Waxaana idinku soo tebin doonaa barnaamijkeenii Dadow Doodnoy haduu ala idmo maalinta Axada taariiqduna tahay 9/12/12.

Daafeet.Com