Ciidamada dowlada iyo Alshabab oo ku dagaalamey duleedka degmada baydhaba

Dagaal aya shaley gelinkiii dambe waxaa uu ka dhacay deegaan u dhexeeya degmooyinka Baydhabo iyo Qasaxdheere ee gobolka Bay halkaas oo ey ku dagaalameen ciidamada Dowlada iyo xarakada Alshabab.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Bay iyo mas’uuliyiin kale ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal muddo socday.

Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay khasaare ugu geysteen ciidammo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah oo kasoo tagay degmada Qansaxdheere kuna socday degmada Baydhabo, inkastoo aysan sheegin inta khasaaradu le’eg tahay.

Guddoomiyaha gobolka Bay, wuxuu sheegay in deegaannadii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo xoogaggii ka haray kuwii ay la dagaalameen.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada dagaalkan waxaa ku dhintey 11 ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 10 ruux.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

xildhinaada Xildhibanada barlamanka oo mar kale Kalsoonida siiyey Xukuumada Mooshinkiina daaqada ka saarey
- May 22, 2013
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida ...
xildhi Maxaad ka taqaanaa shaqsiyaadka Qas-wadayaasha ah ee waday Mooshinkii Dhicisoobay.?
- May 22, 2013
Iyadoo todobaadyadii ugu dambeysay ay koox Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay  khal ...
AU_&_Somalia_1 Ra’iisul wasaaraha Dalka Somaliya oo maanta la kulmey Wakiilka Midowga Africa u qabilsan Somaliya
- May 22, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ...
mooshin Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
DSC03383 Maamulka Gobolka Bay oo la gudoonsiiyey Diyarado yar yar oo iyaga is wada
- May 22, 2013
Gelinkii dambe ee shaley ayaa waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo wafuud heer caalami ah. Wafuudan ...