Ciidamada dowlada iyo Alshabab oo ku dagaalamey duleedka degmada baydhaba

0
34

Dagaal aya shaley gelinkiii dambe waxaa uu ka dhacay deegaan u dhexeeya degmooyinka Baydhabo iyo Qasaxdheere ee gobolka Bay halkaas oo ey ku dagaalameen ciidamada Dowlada iyo xarakada Alshabab.

Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Bay iyo mas’uuliyiin kale ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal muddo socday.

Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay khasaare ugu geysteen ciidammo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah oo kasoo tagay degmada Qansaxdheere kuna socday degmada Baydhabo, inkastoo aysan sheegin inta khasaaradu le’eg tahay.

Guddoomiyaha gobolka Bay, wuxuu sheegay in deegaannadii lagu dagaalamay ay iyagu gacanta ku hayaan ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo xoogaggii ka haray kuwii ay la dagaalameen.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada dagaalkan waxaa ku dhintey 11 ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 10 ruux.

Daafeet.Com