Maddaxweynaha Dowlada Federalka somaliyeed oo si diiran logu soo dhaweeyey Dalka turkiga

0
33

Madaxweynaha Soomaaliya Dowlada fedaralka Somaliyeed  iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga. iyadoo lagu wado inay maanta kulammo la billaabaan madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Turkiga Cabdalla Gull.

Wafdiga Madaxweeynaha ayaa markii uu ka tagay garoonka magaalada Ankara waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madax katirsan dowladda Turkiga, Masuuliyiin ka socotay safaaradda Soomaalida dalkaasi, arday iyo dadweeyne kale oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalkaasi.

Madaxweeynaha ayaa la filayaa in maanta uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Turkiga isagoo kala hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkigu ka wado Soomaaliya.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dal ku yaalla Qaaradda Yurub, waxaana uu ku sugnaan doonaan muddo saddex maalmood ah.

Daafeet.Com