Maamulka Puntland oo soo saarey warsaxaafadeed ey kaga hadlayaan dagaladii ka dhacay Galgala

Deegaanka Galgala waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab iyo ciidanka difaaca Puntland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray dagaalka wuxuu ku sheegay inay ciidankooda iska caabbiyeen weerarka uga yimid dhinaca al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay koox aad u hubaysan oo ka tirsan al-Shabaab xalay abaare 11:00 PM dhowr jiho ka weerartay cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo ku sugnaa meel u dhow deegaanka Galgala.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay ciidamada Puntland iska caabbiyeen weerarka, iyagoo dilay toddobo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab, isla markaana ay dhaawaceen 12 kale.

Puntland waxay sheegtay inay labo askari uga dhimatay dagaalka, halka toban kalena ay dhaawacmeen kaddib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo kale oo Puntland ka tirsan oo gurmad ahaan ugu socday halka uu dagaalka ka dhacay.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...