Maamulka Puntland oo soo saarey warsaxaafadeed ey kaga hadlayaan dagaladii ka dhacay Galgala

0
33

Deegaanka Galgala waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab iyo ciidanka difaaca Puntland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray dagaalka wuxuu ku sheegay inay ciidankooda iska caabbiyeen weerarka uga yimid dhinaca al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay koox aad u hubaysan oo ka tirsan al-Shabaab xalay abaare 11:00 PM dhowr jiho ka weerartay cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo ku sugnaa meel u dhow deegaanka Galgala.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay ciidamada Puntland iska caabbiyeen weerarka, iyagoo dilay toddobo ka tirsanaa maleeshiyada al-Shabaab, isla markaana ay dhaawaceen 12 kale.

Puntland waxay sheegtay inay labo askari uga dhimatay dagaalka, halka toban kalena ay dhaawacmeen kaddib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo kale oo Puntland ka tirsan oo gurmad ahaan ugu socday halka uu dagaalka ka dhacay.

Daafeet.Com