Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül oo sheegey iney wadankiisa uu sii kordhin doona howlaha uu ka hayo dalka Somaliya

Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gül ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo hay’adaha Turkiga ay sii ballaarin doonaan barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadannimo ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Abdullah Gül ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen asaga iyo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku kulmay magaalada Ankara ee Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga ammaanka ee labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay kor ugu qaadi lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalinta berri ah la kulmo raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

somali Somalia to take over control of airspace by year end
- May 20, 2013
Somalia is preparing to take over the control of its airspace from the International ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...
kis Warbixin dhab ka hadal ah..Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa.
- May 20, 2013
Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa. Halkan ...
xil Xildhibaano kala ujeedo ah balse ku midaysan ridida Saacid.
- May 20, 2013
Xildhibaano aanan isku dan aheyn oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa isku fakir ka ...
askar Dagaal ka dhacay Faafax-dhuun iyo mushaaraad la qeybiyey askarta Dowlada.
- May 20, 2013
Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa ...