Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül oo sheegey iney wadankiisa uu sii kordhin doona howlaha uu ka hayo dalka Somaliya

0
30

Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gül ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo hay’adaha Turkiga ay sii ballaarin doonaan barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadannimo ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Abdullah Gül ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen asaga iyo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku kulmay magaalada Ankara ee Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga ammaanka ee labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay kor ugu qaadi lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalinta berri ah la kulmo raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Daafeet.Com