Qarax xoogan oo ka dhacay magalada Neirobi xaafada Iislii

Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan waaxda California ee xaafadda Islii ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todobo kale.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga Supermarket loo yaqaan Joster, halkaas oo hadda kahor uu qarax noocan oo kale ah ka dhacay. Waxaana qaraxani uu sababay waxyeelo soo gaartay dadkii wadadaasi marayay.

Booliska ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxa uu ku dhintay isbitalka, waxayna sheegeen in qaraxu ahaa Bambaano goobta lagu sii diyaariyay.

Ilaa imika lama garanayo ciddii ka danbeeysay qaraxaasi, haseyeeshee booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan arintaasi, waxayna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha fuliyay qaraxa.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

mooshin Xildhibaano qaarkood oo weli ku haminaaya in ey meel mariyaan Mooshinka ka dhanka ah Dowlada
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
DSC03383 Maamulka Gobolka Bay oo la gudoonsiiyey Diyarado yar yar oo iyaga is wada
- May 22, 2013
Gelinkii dambe ee shaley ayaa waxaa soo gaaray magaalada Baydhabo wafuud heer caalami ah. Wafuudan ...
barlaman Xildhibanada Barlamanka oo maanta ka doodi doona Moshinkii dhawaan la horgeeyey Barlamanka
- May 22, 2013
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ey ka doodaan mooshin ka dhan ...
farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...