Qarax xoogan oo ka dhacay magalada Neirobi xaafada Iislii

0
25

Qarax xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan waaxda California ee xaafadda Islii ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca todobo kale.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ka dhacay nawaaxiga Supermarket loo yaqaan Joster, halkaas oo hadda kahor uu qarax noocan oo kale ah ka dhacay. Waxaana qaraxani uu sababay waxyeelo soo gaartay dadkii wadadaasi marayay.

Booliska ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxa uu ku dhintay isbitalka, waxayna sheegeen in qaraxu ahaa Bambaano goobta lagu sii diyaariyay.

Ilaa imika lama garanayo ciddii ka danbeeysay qaraxaasi, haseyeeshee booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan arintaasi, waxayna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxaha fuliyay qaraxa.

Daafeet.Com