Sarkaal ka tirsan hey’ada FAO oo lagu xirey xabsiga ku yaala degmada baydhaba

Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, kaasoo ciidamada Baydhabo ay xalay kala baxeen gurigiisa.

Sarkaal ka xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo, Idiris Cabdi Dhakhtar ayaan la ogeyn sababta xabsiga loo dhigay inkastoo wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan in maanta ay socdaan dadaallo lagu sii daynayo.

Maamulka gobolka Bay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xariga sarkaalkan, balse mas’uuliiin maamulka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in sakaalka uu xiran yahay, balse way diideen inay sheegaan halka lagu hayo.
Degmada Baydhabo ayaa waxaa horay dhowr jeer loogu xiray saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo aqoonyahanno kale, kuwaasoo markii dambe lasii daayay, iyadoo maamulka uusan sheegin sababta loo xiray.

 

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

igado Wasiirada arimaha dibada ee Igad oo maanta ku kulmey Adis-Ababa
- May 24, 2013
Wasiirada arrimaha dibedda ee urur goboleedka IGAD, ayaa kulan xasaasi ah oo looga doodayo ...
kenyan Kenya oo laga dalbadey iney dib u furto Diiwaan gelinta Qaxootiga
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday in ay dib u bilowday diiwaan gelinta ...
baritan Howlgalo lagu sugaayo Amanka oo beryahan ka socda Awdiinle
- May 24, 2013
Howgallo baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka ...
sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...