Sarkaal ka tirsan hey'ada FAO oo lagu xirey xabsiga ku yaala degmada baydhaba

0
30

Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, kaasoo ciidamada Baydhabo ay xalay kala baxeen gurigiisa.

Sarkaal ka xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo, Idiris Cabdi Dhakhtar ayaan la ogeyn sababta xabsiga loo dhigay inkastoo wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan in maanta ay socdaan dadaallo lagu sii daynayo.

Maamulka gobolka Bay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xariga sarkaalkan, balse mas’uuliiin maamulka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in sakaalka uu xiran yahay, balse way diideen inay sheegaan halka lagu hayo.
Degmada Baydhabo ayaa waxaa horay dhowr jeer loogu xiray saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo aqoonyahanno kale, kuwaasoo markii dambe lasii daayay, iyadoo maamulka uusan sheegin sababta loo xiray.

 

Daafeet.Com