Qarax goor dhaweyd ka dhacay suuqa Bakaaraha

0
30

Qarax Xoogan ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyadoo ciidamada dowladda ay markiiba halkaas howlgal ka billaabeen

Qarax oo ahaa bambada nooca gacanta lagu tuuro ayaa la sheegay in lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xilli ay marayeen suuqa dahablaha ee Bakaaraha.

Inkastoo aan la heyn tirada rasmiga ah ee wax ku noqotey qaraxaasi ama ku dhaawacmay ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Gaadiidka Ambulance ayaa goobta ka bilaabay daad gureynta dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay qaraxaasi iyadoo ciidamada ay qab qabteen dad ay la xiriirinayaan qaraxaasi.

Daafeet.com

 

Daafeet.com