98

Warbixin ka Hadlaysa Dugsiga Hoose/Dhexe ee Gabdhaha Cabdalla Deerow Isaaq (Sawirro)

Annagoo ah Maamulka Dugsiga ayaa waxaan rabnaa inaan warbixin buuxda ka bixino Iskuulka.

Iskuulkan waxaa uu ahaa Iskuul hore ee Dowladdii Maxamed Siyaad Bare ay Isticmaali jirtay, waxaana la oran jiray Dusiga Hoose/Dhexe ee Bartamaha oo la burburiyey lagana qaatay wixii muuqday.

Maamulka dugsigan oo si toos ah soo dirayo warbixintan ayaa ka saaray maleeshiyo kala qaybsadey dhulka Iskuulka, anagoo u adeegsanay Xalsiloooni, deganaan iyo aqoonteena iyo Maamulkii markaas haystay Deegaanka Gobolka, ayadoo aan la xiriirnay Hay’adaha Samafalka sida Hay’adda UNICEF waxayan noogu jawaabeen  inaan Qaaraan iska aruurino ka dibna aan bilowno Dhisidda Dugsiga iyaduna ay inoo dhamaystiro dhismaha Iskuulka.

Kadib waxaan bilownay inaan ku daadino dhaagaxaan iyo ciiddii lagu dhisi lahaa annagoo u iibinay Dahabkeena iyo qofkii Ganacsi ku jiray inuu u huray hantidiisa Dusiga, taas oo Ilaahey nagu garabgalay.

Haddaba UNICEF waxay naga caawisay dhinaca qalabka Waxbarashada sida Kurasta, Sabuuradaha, Miisaska iyo Jeestada iyo Manhajka kubaxa Dugsiga.

Kadib Dugisga wuxuu furmay 06/06/2004, Dugsigan waxaa loogu talo galay Waxbarashada Gabdhaha oo keliya, gabdhahaas oo da’dooda u dhaxayso 7 sano jir ilaa 18 sano jir. Gabdhahan oo isugu jira Danyer iyo Agoon oo aan iska bixin Karin Qarashaadka Dugsiyada.

Maaddaama aan ugu talo galnay dugsigan inuu ahaado mid lacag la’aan ah waayo waxaa wax ku barta dadka danyerta ah Caruurtooda, iyadoo ay ugu wacan tahay dhibaatada Dagaalada Sokooye iyo abaaraha ku habsaday gobolada Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Haddaba waxaa ka shaqeeya Dugsigaan Macallimiin gabdho ah  oo tiradoodu ay gaarayso 22 macallin iyo 1 wiil, 4 haween oo nadiifiyaal ah iyo 2 waardiye, tirada ardeyda dhigata Dugsiga waa 940 oo wada gabdho ah oo 370 ay agoomo yiniin.

Haddaba Dugsiga wuxuu ka kooban yahay

1. 10 Fasal

2. 8 Musqulood

3. Bakhaar

4. Xafiis

5. Berkat Biyo

Sidaas darteed walaalayaal waxaan idin sheegaynaa inaan wax mushaar ah aanan qaadanin, waxaana idinka codsnaynaa dhiiri gelinta macallimiinta iyo dhisidda darbi wareeg ah oo Iskuulka yeesho, dayactirka Dugsiga iyo qalabaynta Xafiiska Dugisga sida Computaro iyo matoor inaad nagu caawisaan.

Mahadsaniidiin

Waxaad Kala Xiriiri Kartaan

Maamulka Dugsiga Cabdalla Deerow Isaaq

Maano Maxamed Nuur Tishiliini

Tell: 00252615807874 ama 00252695807847

Daafeet.com


<


daafeet.com Kala Soco Warar Xaqiiqo Ah Email:comments@daafeet.com Email:webmaster@daafeet.com

daafeet.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Fadlan Riix hoose hadaad tahay ilbax

WARARKII KU DHAAFAY

salad cali jele Dhegeyso Salaad Cali Jeele: “Madaxweynaha Waqtigiisa Waa Dhamaadey Xow Kursiga Isugu Dhejaa”
- Sep 24, 2016
Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan diyaar u ahayn in ...
daf1 Daawo Kulan Ay Isugu Yimaadeen Beelaha Shanta Caleemood oo Taageero Buuxda Lagu Siiyey Malaaqa Guud Ee Beesha Malaaq Siidow Maadow
- Sep 24, 2016
Kulan ay isugu yimaadeen beelaha shanta caleemood ayaa maanta lagu qabtey hettel Gaabow ee ...
xaad Dhegeyso Nabadoom Maxamed Xasan Xaad oo Odayaasha Qoondo u Raadinaaya
- Sep 24, 2016
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ...
xeer-ilaliye Daawo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Oo Sheegey Iney Amaan Mudan Yihiin Dadkii Saxiixey Heshiiskii MOU ee Bada
- Sep 24, 2016
Xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qiray in MOU ay saxiixday Xukuumadii RW ...
Amin camir Daawo Sawir uu Amiin Camir Maanta Ka Sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Somaliya Shariif Sheekh Axmed
- Sep 23, 2016
Madaxweynihii hore ee dalka somlaiya shariif sheekh axmed oo mudo 4 sano ah dalka ...
jowhar Shaqaaqo Caawa Ka Dhacaydey Magalada Jowhar ee Gobolka Shabelaha Dhexe
- Sep 23, 2016
Warar kol dhaweyd aynu ka helney Magaalada Jowhar, ayaa sheegaya in iska-horimaad dhax-maray ciidammo ...
dacwo Daawo Somaliya oo Maanta soo Gabagabeysey Doodii Ugu dambeysey ee Dacwada Bada
- Sep 23, 2016
Maanta ayaa somaliya waxaa ay sooo gabagabeysey doodii dhinaceeda ee ku saabsaneyd dacwada bada ...
cumar Aqri Warqad Kasoo Baxdey Xafiiska Reysulwasaaraha Kuna Socota Wasaaradaha Amniga Iyo Wasaarada Warfaafinta
- Sep 23, 2016
Warqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dolwadda Federaalka Soomaaliya Cumar ...
amin-camir Daawo Sawir uu Amiin Camir Maanta Ka Sameeyey Arinta Bada
- Sep 23, 2016
Dacwadii bada ee u dhexeysey somaliya iyo kenya ayaa meel fiican mareysa ayadoo maanta ...
jawari Dhegeyso”Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somaliya oo ka Hadley Sababta uu u Tegey Magalada Baydhaba
- Sep 23, 2016
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay ujeedka uu ku tagay ...