Warbixin ka Hadlaysa Dugsiga Hoose/Dhexe ee Gabdhaha Cabdalla Deerow Isaaq (Sawirro)

0
278

Annagoo ah Maamulka Dugsiga ayaa waxaan rabnaa inaan warbixin buuxda ka bixino Iskuulka.

Iskuulkan waxaa uu ahaa Iskuul hore ee Dowladdii Maxamed Siyaad Bare ay Isticmaali jirtay, waxaana la oran jiray Dusiga Hoose/Dhexe ee Bartamaha oo la burburiyey lagana qaatay wixii muuqday.

Maamulka dugsigan oo si toos ah soo dirayo warbixintan ayaa ka saaray maleeshiyo kala qaybsadey dhulka Iskuulka, anagoo u adeegsanay Xalsiloooni, deganaan iyo aqoonteena iyo Maamulkii markaas haystay Deegaanka Gobolka, ayadoo aan la xiriirnay Hay’adaha Samafalka sida Hay’adda UNICEF waxayan noogu jawaabeen  inaan Qaaraan iska aruurino ka dibna aan bilowno Dhisidda Dugsiga iyaduna ay inoo dhamaystiro dhismaha Iskuulka.

Kadib waxaan bilownay inaan ku daadino dhaagaxaan iyo ciiddii lagu dhisi lahaa annagoo u iibinay Dahabkeena iyo qofkii Ganacsi ku jiray inuu u huray hantidiisa Dusiga, taas oo Ilaahey nagu garabgalay.

Haddaba UNICEF waxay naga caawisay dhinaca qalabka Waxbarashada sida Kurasta, Sabuuradaha, Miisaska iyo Jeestada iyo Manhajka kubaxa Dugsiga.

Kadib Dugisga wuxuu furmay 06/06/2004, Dugsigan waxaa loogu talo galay Waxbarashada Gabdhaha oo keliya, gabdhahaas oo da’dooda u dhaxayso 7 sano jir ilaa 18 sano jir. Gabdhahan oo isugu jira Danyer iyo Agoon oo aan iska bixin Karin Qarashaadka Dugsiyada.

Maaddaama aan ugu talo galnay dugsigan inuu ahaado mid lacag la’aan ah waayo waxaa wax ku barta dadka danyerta ah Caruurtooda, iyadoo ay ugu wacan tahay dhibaatada Dagaalada Sokooye iyo abaaraha ku habsaday gobolada Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Haddaba waxaa ka shaqeeya Dugsigaan Macallimiin gabdho ah  oo tiradoodu ay gaarayso 22 macallin iyo 1 wiil, 4 haween oo nadiifiyaal ah iyo 2 waardiye, tirada ardeyda dhigata Dugsiga waa 940 oo wada gabdho ah oo 370 ay agoomo yiniin.

Haddaba Dugsiga wuxuu ka kooban yahay

1. 10 Fasal

2. 8 Musqulood

3. Bakhaar

4. Xafiis

5. Berkat Biyo

Sidaas darteed walaalayaal waxaan idin sheegaynaa inaan wax mushaar ah aanan qaadanin, waxaana idinka codsnaynaa dhiiri gelinta macallimiinta iyo dhisidda darbi wareeg ah oo Iskuulka yeesho, dayactirka Dugsiga iyo qalabaynta Xafiiska Dugisga sida Computaro iyo matoor inaad nagu caawisaan.

Mahadsaniidiin

Waxaad Kala Xiriiri Kartaan

Maamulka Dugsiga Cabdalla Deerow Isaaq

Maano Maxamed Nuur Tishiliini

Tell: 00252615807874 ama 00252695807847

Daafeet.com