Amisom oo Sheegey Iney Baari Doonto Xasuuqii Ka Dhacay Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay

0
46

Taliska AMISOM ee Somalia ayaa sheegay in ay baarayaan falkiii Dad Shacabka ah lagu laayay ee ka dhacay Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay, kuwaas oo ay ku jireen dad odayaal ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in baartaan hor-dhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in tuuladaas ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo dulleedka magaaladaas ay ku dagaalameen ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo dhinac ah iyo Al-shabaab, daqiiqado kaddibna ay xoogagii Al-shabaab carareen, lamana oga in dagaalka uu sabab u ahaa dhimashada dadkan shacabka ah iyo in kale.

Ergayga oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Xafiiskeyga oo la Tashanaya Dowladda Soomaaliya, waxaay baari doonaan dhacdadaas lagu laayay dadka shacabka ah si loo ogaado xaqiiqada arrintaan. Waan ka sal-gaari doonnaa.”

Danjire Madeira ayaa xusay in AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta shuruucda u dhigan Midowga Afrika iyo kan Howl-galka AMISOM kaasoo sheegaya inay Ciidamada waajib ku tahay inay si taxadir leh u dhaqmaan shacabka xilliyada ay hawlgalladu socdaan.