War Deg Deg Ah Dukaan Lagu Keydiyo Shidaalka oo Ku Yaala Degmada Afgooye oo Caawa Bam Gacmeed Lagu Weerarey

0
32

Wararka naga soo gaaraya degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in goob lagu keydiyo laguna iibiyo shidaalka oo ku taala halka loo yaqaan mukiga ee degmada afgooye ayaa waxaa caawa weerar ku qaadey burcad aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo ogeyn heybtooda.

Keydka iyo kaalinta shidaal ayaa waxaa lah ganacsato kasoo jeeda magalada cadaado caasimada galmud ( Beesha reer xaaji saleymaan ).

Burcada weerartey ayaa la sheegey iney ka koobnaayeen afar dhalinyaro kuwaasi oo goobta ku weerarey bam gacmeed kadibna rasaaseeyey goobta ka hor inta aaney ka baxsan.

Warar la isla dhex marayo ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafey hurguf ay ka dhexeysey milkiilayaasha keydka iyo kaalinta shidaalka iyo maleesh degen halka loo yaqaano mukuyga oo ay caawa mashaqadu ka dhacdey kana soo jeeda magalada ceel buur ee gobolka galgaduud ( Murursade ).

Si kastoo loo dhigaba dhibaatooyinka dadka deegaanka ay ku hayaan kooxaha duulaanka ayaa waxaa ay u muuqataa mid maalinba maalilnta ka dambeyso wajiyo cusub iyo dhacdooyin naxdin xambaarsan ku reebta deegaanka.