xildhibaan ka Tirsan Maamulka Shariif Xasan oo Gacan ku Rimis ah oo Caawa Hor Istaagey Amar Kasoo Baxay Shariif Xasan.

0
104

Ayadoo maalinimadii maanta degmada afgooye ay soo gaareen qeyb ka mid ah mucaawininadii raashinka aheyd oo ay dowlada turkiga ugu deeqdey koonfur galbeed gaar ahaan degmooyinka Afgooye iyo Wanleweyn ayaa waxaa is hortaag ku sameeyey mid ka mid ah xildhibaanada gacan ku rimiska ah ee koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan.

Xildhibaankan gacan ku rimiska ah ee lagu magacaabo Abuukar cabdulle Raage “Gar maqaate” oo kasoo jeeda deegaanka Raage Ceele ee Gobolka Galgaduud “Abgaal” ayaa waxaa uu ku doodey in cuntada gargaarka ah oo ay dowlada Turkiga ugu deeqdey degmada Wanleweyn aaney gudbeynin wadada ilaa laga siiyo qeyb ka mid raashinka oo uu ku doodey iney beeshiisa qeybteeda tahay, Isagoo sidoo kalana ku doodey in beesha abgaal ay ka mid tahay beelaha dega deegaanka degmada wanleweyn.

Maamulka shariif oo u muuqda mid maafiyada abaabulan ee magalada muqdisho dabada ka riixaya ayaa hadana dhanka kale waxaa uu dadka deegaanka ku beer laxawsanadaa in mooriyaanta wax loo ogolaado talaabadaasi oo maamulka wanleweyn si caro leh ay uga hor yimaadeen.

Maamulka Shariif Xasan oo haatan fadhi ku meel gaar ah u ah degmada afgooye ayaa tan iyo caawa waxaa uu ku mashquulsanaa sidii umada uga dhaadhicin lahaa in kooxaha duulaanka loo ogolaado qeybna laga siiyo raashinkaas.

Sida aynu wararkii ugu dambeyyey ku heleyno raashinka waxaa uu weli yaalaa degmada afgooye iyadoo ilaa iyo haatana wax xal ah lagama gaarin in loo gudbiyo dhanka wanleweyn iyo maamulka shariif uu ku dhoco raashinka degmada afgooye beri subixiina la geeyo suuqa bakaraha isagoo adeegsanaya shaqsiyaad ay ka mid yihiin xildhibaan Abuukar cabdulle Raage “Gar maqaate” .

Talaabadan Shariif Xasan iyo daba dhilifta duulaanka ah ayaa waxaa ay su’aal cad hor dhigayaan maamulka iyo masuuliyiinta kasoo jeeda degmada wanleweyn taasi oo haddii aysan ka jawaabin noqon doonta wado halaq mareen ah dadka iyo maamulka wanleweyn mudo badan curyaamin doonta.