Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalka Somaliya oo Sheegey In Amison Aysan Habooneyn In Loo Qabto Xileygey Somaliya Ka Bixi Lahaayeen

0
37

Wasiirka Arimaha Dibada ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, C/Salaam Cumar Hadliye ayaa sheegay inaan loo baahnayn in waqti loo qabto bixitaanka ciidamada AMISOM.

Wuxuu asagoo asbuucii lasoo dhaafay u waramaayay wargeyska The New Times ee Rwanda uu sheegay in dawlada Soomaaliya aysan dooneyn in AMISOM ay Soomaaliya ka huleelaan ayada oo Soomaaliya aysan weli nabad noqon waqtigii ay doontaba ha qaadatee.

Wuxuu hase ahaatee rajo ka muujiyay in Soomaaliya ha dhawaato ha dheeraato ay noqon doonto dal nabad ah oo barwaaqo ah. Wuxuu sheegay bixitaanka AMISOM inay tahay arin ku xiran xaalad ee aysan ahayn arin ku taxaluqda waqti.

Wuxuu intaas ku daray in dalku haatan soo kabanaayo oo uusan tirsanayn afar sano ka hor hadase waxyaabo badan ay soo hagaagayaan.