Madaxweynaha Dalka Pakistaan oo Warqadihii Aqoonsiga Kala Wareegey Safiirada Cusub Khadiija Maxameed Al-makhsuumi

0
41

Madaxweynaha Pakistan, Maamnun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Cusub ee Somalia u fariisan doonta Dalka pakistaan, Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq.

Safiiradda ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Pakistan ka tirsan ka qaadatay salaan-sharaf.

Khadiija Maxameed Al-makhsuumi, ayaa safiir kasoo noqotay Dalka Ciraaq iyadoo ahayd Safiiraddii ugu horreysay ee Soomaaliya u soo Magacawday dalka Ciraaq tan iyo burburkii Somalia.

Dalka Pakistan, ayaa waxaa wax-ka-barta kumannaan arday ah – oo halkaas Jaamacado kala duwan ka dhigta waana waddan sidoo kale Somalia uu xariir dhanka ganacsiga ah kala dhexeeyo.

khadija

khadija1