Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose oo sharcigii ka dhacay sharci darana ku shaqeeya

0
44

Sida ku cad wareegtadii uu Shariif Dulaal ku magacaabay Gudoomiye ku sheega gobolka Shabeelaha hoose Ibraahin Aadan Cali (Ibraahin Najax) ayaa waxa uu u idmaday Shariif inuu Ibraahin Najax uu gobolka Shabeelaha hoose uu gudoomiye uga ahaado maamulka Baydhabo ee Shariif Dulaal uu horjoogaha ka yahay mudo Lix bilood ah oo ka bilaabaneysay 11 bishii Nofembar sanadkii tagay ee 2015 kuna ekeyd mudadii loo idmaday maamulka gobolka Bishii nasoo dhaaftay ee Juunyo 10 keedii sanadkan 2016.

Hadaba kol hadii Gudoomiye ku sheeg Ibraahin Aadan Cali wakhtigiisiina dhamaaday loona cusboonaysiin ilaa iyo maanta ma waanay ka dhignayn in sheekada Shariif Dulaal iyo maamulkiis kolkii horeba ka ahayd magacaabista iyo mudaynta xilka Ibraahin Aadan Cali sheekadii Qaali Huurshe ee “la joojiyana banaan la jiifiyana banaan”Ibraahin Aadan Cali (Ibraahin Najax) Kol hadii uu noqday Nacaskii Shariif Dulaal doon doonista ugu jiray ma waanay ahayn in loo daayo waqtiga iyo Xilka ummadda ee loogu been abuuray uuna iska dhex meeraysto magaalada Muqdisho.

Maadaama uu Ibraahin Aadan uu ku sifoobay baabi’inta,Ka been sheega iyo burburinta halganka lagu diidan yahay kooxaha Duulaanka iyo Maacuunta Shariif Dulaal ee gobolka ka socda ma waanu ahayn inuu Shariif ku abaal mariyo inuu waxa uu ku dhisan yahay maamulkiisa Baydhabo ee Sharci la’aanta ah.

Shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxay aad ugu guntadeen in dhulkooda iyo maamulkooduba ka dhacsadaan kooxaha Duulaanka iyo Maacuunta Shariif Dalaal oo iyagu isu kaashanaya Dilka,Dhaca,Kufsiga,Dhibaataynta iyo weliba Barakicinta shacabka gobolka Shabeelaha hoose.
Si kasta oo loo dhigaba sharci darada maanta uu ku shaqeynayo maamul ku sheega gobolka Shabeelaha hoose waxaan looga maarmin xaalka taagan in loogu maahmaaho”Kaagoow Hordareersheey nogadi Bakti aamoow ma huraaw”.

Halkan ka Akhriso Deceratadii uu Shariif ku magacaabay Najax

dic