Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Xariga Sarkaal ka Tirsan Hey’adda FAO ee lagu Xiray Baydhabo
Wariyaheena Maxamed Cade oo wax ka waydiiyay Taliya Ciidamada Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan Xariga Mas’uul ka tirsan Hey’adda FAO ee Ciidamada Dowlada ay shalay Xabsi u Taxaabeen ayaa Taliyaha mar uu u waramay sheegay in mas’uulkaa lagu magacaabo Idiris Cabdi Dhakhtar uu lug ku lahaa Rag Al-Shabaab ah oo Dhawaan ka Baxsaday Xabsiga Magaalada Baydhabo.
Korneel Mahad C/raxmaan ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamadu xireen oo ay su’aalo waydiinayaan Mas’uulkaani, sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ninkaan loo haysto arimo kale oo lidi ku ah Amniga Magaalada Baydhabo Janaay.
Taliye Mahad C/raxmaan, waxa uu sidoo kale ku Nuuxnuuxsaday inay xoojin doonaan baaritaannada ay ciidamadu ka sameeyaan gudaha magaalada Baydhabo, si looga hor tago dhibaatooyinka ay maleegayso Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Wariye Maxamed Cade
Daafeet.com
Baydhabo Janaay







War Ninkaas Maskiinka ah waxaa loo xirey Laaluush ayaa laga waayry, moorayaantana Jaadka ayaa ka bar-goey, marka waa inuu is-furtaa haddii kale waa Al Shabaab kkkkkk kkkkkk kkkkkkk.
Moorayaantani oo Ilaaheey ka furtey, Adduun iyo aakharana aan wax rajo ah ka lahynin waa iney ummadda iska qabataa, Caalamkana uu u ogaado iney yihiin Moorayaan min Madaxdooda ilaa Siyaasiyiintoda.