Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo la kulmey reysulwasaraha dalka Turkiga

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay ra’iisul wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoo kawada hadlay sidi xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.

Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii Turkiga uu qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya.

Raisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in shacabka dalkiisa iyo kan Soomaaliyeed ay yihiin walaalo, sidaas awgeedna ay u caawinayaan, wuxuuna sheegay in Turkigu uu garab taagnaan doono shacabka soomaaliyed ilaa dhibaatada ay ka baxayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ku jooga booqasho afar maalmood qaadatay, isagoo magaalada Ankara kula soo kulmay madaxweyanah dalka Turkiga, Cabdalla Gul, waxayna labada mas’uul kawada hadleen sidii Turkiga uu gacan weyn uga geysan lahaa dib u dhiska Soomaaliya.

Hay’adaha Turkiga ayaa olole lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed ka billaabay sannadkii hore kaddib markii ay abaaro ku dhufteen gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya, taasoo xoojisay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...