Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo la kulmey reysulwasaraha dalka Turkiga

0
28

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay ra’iisul wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoo kawada hadlay sidi xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.

Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii Turkiga uu qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya.

Raisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in shacabka dalkiisa iyo kan Soomaaliyeed ay yihiin walaalo, sidaas awgeedna ay u caawinayaan, wuxuuna sheegay in Turkigu uu garab taagnaan doono shacabka soomaaliyed ilaa dhibaatada ay ka baxayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ku jooga booqasho afar maalmood qaadatay, isagoo magaalada Ankara kula soo kulmay madaxweyanah dalka Turkiga, Cabdalla Gul, waxayna labada mas’uul kawada hadleen sidii Turkiga uu gacan weyn uga geysan lahaa dib u dhiska Soomaaliya.

Hay’adaha Turkiga ayaa olole lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed ka billaabay sannadkii hore kaddib markii ay abaaro ku dhufteen gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya, taasoo xoojisay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Daafeet.Com