Mamulka Gobolka Banaadir oo sheegey in dowlada Turkiga dayactir ku sameyn doonto wadooyinka Magalada muqdisho

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegey in hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga TIKA ayaa dib u dhis ku sameyn doonta waddooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah helin tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia 1991-kii oo haatan ay ka soo wareegtay 22 sano.

Afhayeenka ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid horumar leh oo lagu farxo, dibna u soo celineysa mar kale bilicdii lagu yaqaanay wadooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hay’adda TIKA ay wado mashruuc ay ku hagaajinayso wadooyinka hareer mara garoonka dayuuradaha Aadan cadde, halkaasoo burbur iyo qashin badan ay sameeyeen.

Meelaha hadda ay dib u dhiska ku sameynayso Hay’adda TIKA waxaa ka mid ah biyo fariisin ku yaalla inta u dhexeysa KM-4 iyo garoonka Aadan cadde iyo marsha-biyeedka wadadda isku xira garoonka iyo xarunta madaxtooyada.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Oscar says:

    Aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay hor umarintan




Wararkii U Danbeeyay

sera Xog:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Iscasilay.
- May 24, 2013
Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in xilkaqaadis lagu samayn ...
bananbax Bananbax lagu taageerayo ka noqoshada Moshinka oo maanta ka dhacay Muqdisho
- May 23, 2013
Banabax taageero loo muujiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sida ay uga laabteen mooshinkii ay ka ...
puntland Maxkamada ciidanka Qalabka sida ee Puntlan oo Dil ku kooxo ka dambeeyey Dilkii alaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey
- May 23, 2013
Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ...
xasan Madaxweynaha oo ka qeyb galey munaasabad loogu dabaal dagaayo 50 Guuradii Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtey Muqdisho
- May 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ...
sacid Rai’sulwasare Saacid oo sheegey in uusan wax balan qaad ah oo loo sameeyey Xildhibaanadii ka laabtey Mooshinka
- May 23, 2013
Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo markii ugu horreysay ka hadlay ...