DAAWO: Warbixin Ka Hadleysa Cadaalad Daradii Lagu Xuley Guddiga Doorashada Heer Federaal Iyo Sedbursigii Lagu Sameeyay Beelweynta Digil

0
55

Akhristayaal waxaa halkan idinkugu soo gudbinaynaa Warbixin ka hadleysa qaabkii lagu xuley Guddiga heer Federaal ee Doorashooyinka Soomaaliya 2016, kaasoo si Cadaalada ka fog lagu qeybsaday.

Guddigan Doorashada heer Federaal ayaa waxaa Koonfur Galbeed Soomaaliya ka heshay Afar Xubnood, iyadoo Afartaa Xubnood lagu qeybiyay Cadaalad daro oo lagu koobay Beelaha Mirifle lagana qadiyay Beelaha Digil.

Halka Hoose Ka Daawo Afhayeenka Qurba jooga Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ilyaas Qalinle oo Ka Hadlaya Cadaalad Darada Shariif Xasan, Jawaari Iyo Farkeeti Ay Ku Sameeyeen Beelweynta Digil.

Taariikh Kooban oo Ka Hadleysa Hagardaamooyinkii Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya Soo Maray.

Midnimada iyo wadajirka ummadda Koonfur Galbeed Soomaaliya waa asal dhiig iyo dhalasho wadaag soo jireen ah sida taariikhduba warisay.

Cadowga ummadda Koonfur Galbeed noocyadiisa kala gedisan (Isticmaar—Carab ah iyo ku Cajamba ah,Cadaan iyo Madow–Soomaali) waxay dadaal badan u galeen inay kala qaybiyaan ummaddan si ugu danbayna ay u Burburiyaan una dhaxlaan milkiyadooda….Ha yeeshee Asal nimada ummaddan ayaa waxay keentay in dhamaan kooxahan ay ku guul dareystaan kala qaybinmta ummadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Bilowgii qarnigii sedex iyo tobnaad ilaa maantadan la joogo ummadda Koonfur Galbeed waxay ahaayeen kuwo u taagan difaaca ummadnimo iyo wadajirka dhuleed ee ummadda Soomaaliyeed, Hayeeshee Gumaystayaashii kala gedisnaa ee mantiqadan soo maray iyo daba dhilifyadooda soomaalida ahaa waxay quus ka keeneen una caal waayeen inay kala qaybiyaan ummadda Koonfur Galbeed Burburin warkeedaba daa’.

Hamigii Gumaysiga iyo Gumaysi kalkaalka duubka inooga ekaa kuma qancin guul darooyinkii is xigxigay ee ummaddu ku dhigtay balse waxay u howl galeen in gudaha ummaddu Koonfur Galbeed ay ka raadsadaan kuwo ducfi iyo dadnimo xumo nolol ka dhigtay si ay ugu jabiyaan Awooda ummaddeenu ILLAAH makansiiyay.

Kooxdan ducfiga(Damiir xumada) iyo dadnimo xumada nololsha ka dhigtay ayaa waxay dhowr jeer ku guul dareysteen kala geynta ummadda Koonfur Galbeed iyo u shaqeynta Cadowga ummaddan noocwalba lahaa.

Doonistii xoriyada Ummadda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay horseed ka noqdeen la dagaalankii Isticmaarka dalka ku habsaday ee talyaaniga iyagoo hormuud u noqday xisbigii SYL 1945 nasiib darose Isticmaarka oo tabo badan adeegsaday kadib Xisbigii SYL waxa uu ku soo koobmay inuu Isticmaarku u adeegsado Burburinta ummadda Digil i Mirifle taasina waxay keentay in Masuuliyiintii magaca iyo maamuuska lahaa ee dhisay SYL ay maalin cad kasoo dareeraan waxaana ugu horeeyay madaxii xafiiska Siyaasada ururka isla markaana ahaa maskaxdii ka danbaysay ururka iyo howlgalkiisa Ustaad Cusmaan ALLAH ha u naxariistee,Sidoo kalena ay mar danbe dileen maacuuntii Gumaysi kalkaalka Soomaalida kale ahaa.

Aqoonyahankii,Culimadii,Waxgalkii Digil i Mirifle kolkay kasoo baxeen Xisbigii SYL ayaa waxay degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose ku dhiseen HSDM(Hisbu Somal li Dastuur Mustaqilah) Xisbiga Soomaalida Dastuurka ka Xoriyada) 23 bishii Maarso 1947 iyadoo xisbiga la diiwaan geliyay isla 25 maarso 1947dii iyagoo geesigii Sheekh Cabdullaahi Bagedina u doortay gudoomiye,halka intii ducfiga(Damiir xumada) iyo dadnimo xumada nololsha ka dhigtayna ay baaqi kusii ahaayeen SYL sida Caada qaate Cabdulqaadir Sakhaawe Diin.

Talaabadan Digil i Mirifle ay ku sameysteen Xisbiga ayaa waxay dharbaaxo adag ku noqotay Gumaysigii iyo gumaysi kal kaalkii iyadoo dhakafaar iyo filan waana ku noqotay maacuuntii Digil i Mirifle ee ku raali noqday qabaanimada iyo u dulaalista gumaystihii cadaa iyo kabaqaadayaashiisii Hawiye iyo Daarood.

Guushan u soo hoyatay Ummadda Digil i Mirifle marna ma noqon mid gumaysiga iyo Kabaqaadkiisuba wax ka bartaan balse waxay sii wadeen inay dibin daabyo hor leh iyo maacuun ay adeegsadaan kasii raadiyaan gudaha Digil iyo Mirifle iyagoo ku guulaystay inay Xisbigii HSDM ay ka reebaan doorashashii loo galay xoriyadii dalka kadib kuraasta Baarlamaanka.

Fekerka gumaysiga iyo dabadhilifyadiisu ma noqon mid hadana Shaqeeya oo waxaa dhalintii Digil i Mirifle guntiga dhiisha isaga dhigeen turunturadii gumaysiga iyo gumaysi kalkaalku dhigeen waxay soo buux dhaafiyeen kuraastii Baarlamaanka iyagoo ku soo galay xisbi la’aan,tanina waxay markale gumaysti kalkaaladii Soomaalida tustay awoodooda iyagoo misna doorbiday in Halyeey Cabdulqaadir Maxamed Aadan Zoobe ALLAH ha u naxariistii oo hormuud ka ahaa badbaadinta Ummaddiisa Digil i Mirifle la shirqoolo si loo hakiyo badbaadinta ummaddiisa ee uu hormuudka ka ahaa waxay ku eedeeyeen inuu wax ka abaabulay dilay Kamaaludiin Saalax oo ay Soomaalida oo dhami ogyihiin cida dishay.

Iyadoo dagaalka Gumaysiga,Gumaysi kalkaalka(Hawiye iyo Daarood) iyo Maacuunta Digil i Mirifle ay kula jireen ummaddeena uu marayo heerkii ugu sareeyay ayaa waxaa la qaatay Xoriyadii gumaysigiina waxa uu ku dadaalay in Kabaqaadyaashiisii hogaanka dalka u qabtaan si loo wiiqo awooda ummadda Digil i Mirifle,Markale ayay guul dareysteen Ardadii talyaaniga ee (Hawiye i Daarood) waxayna taasi keentay in gumaysiga uu u fududeeyo inay talada dalka boobaan Askartii dalka kuwaasi oo runtii ahaa saraakiishii talyaaniga uu kabaqaadnimada uu ku siiyay derejooyinka sida Maxamed Siyaad Bare.

Askarta oo garab ka helaaya Gumaysiga cusub (Xiriirada Iskaashi)waxayna ku guulaysteen inay Dimoqoraadiyadii dalka ay afka ciida u daraan isla markaana sharcigii dalka laalaan lana yimaadaan nidaam Milatari oo shacabka Digil i Mirifle lagu cirib tiraayo….Runtii Milatarigii dalka taladiisa boobay dhaawac aad u muuqda ayay waxay gaarsiiyeen Shacabkii Digil i Mirifle iyagoo ka weeraray dhanka Maskaxda, Dhaqanka, Siyaasada, Afka iyo Dhaqaalaha.

Dagaalka Maskaxda…..Waxay aad u abuureen misna aad u baahiyeen erayga Geegii Mariidi oo macnaha laga lahaa ahayd in aanayba jirin ummad la yiraahdo Digil i Mirifle.

Dagaalka dhaqanka…Waxaa guud ahaan la ceebeeyay dhaqankii ummadda Digil i Mirifle oo ugu horeeyo Nabad ku wada noolaanshaha oo loo fasirey dad Fuklay ah oo aan dagaalamin.
Dagaalka siyaasada….Micnaha ugu weyn ee dagaalkan siyaasadeed uu reebay ayaa ah in hab maamulka dalka aanu soo dhaafin labadii beel ee gumaysi kalkaalnimada ku dhaxlay maamulka.
Dagaalka Afka….Waa kan ilaa iyo maanta lana leeyahay ku hadal Afsoomaali iyadoo dastuurkuna ku xusan yahay AfMaay.

Waxaana guud ahaan dadka iyo deegaanka Digil i Mirifle laga hirgeliyay mashruuc loogu yeeray Ololaha horumarinta reer Miyiga oo micnihiisu ahaa in Afmaayga la tirtiro reer Digil i Miriflana la baro Af Maxaa.

Dagaalka Dhaqaalaha 7 maarso1972 dii guud ahaan dhaqaalihii Digil iyo mirifle waxaa la wareegay askartii talada dalka boobtay waxaana loogu yeeri jiray qaramaynta dhaqaalaha dalka.
Waxaa lasoo dhex dejiyay dad laga soo raray gobolo kale oo Daarood iyo Hawiye ahaa (Abaartii Dabadheer).

Sidoo kale 84-tii waxaa guud ahaan la boobay intii yareyd ee ka hartay dhul beereedkoodii (mashruuca u jihaynta Beeraha).

Intan oo dhibaata ah kolkii uu Siyaad Bare u gaysanayey Ummaddan shakhsiyadihii kabaqaadka u ahaa Hawiye iyo Daarood waxaan ka xusi karnaa Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo haatan isagoo waayeel ah kaba qaad u ah Xasan Shiikh.

Nidaamkii Milatariga ridistiisii kadib waxaa soo shaac baxday qawlaysato runtii aan kala aqoon wadan iyo wadaniyad kadaroo dibi dhal waxaa soo baxay kabaqaadyaal badan oo Digil i Mirifle ah oo ugu horeeyaan Avv..Xaseey iyo Maxamed Nuur Calow Bare iyagoo sidoo kalena badbaadiyaal ummaddeed ay soo istaageen oo aan ka xusi karno Halgamaa Cabdulqaadir Zoope iyo Cabdi Muuse Mayow.

Gunta iyo gunaanadka xiligan kala guurka ah ma qabo in loo waayay Digil i Mirifle geesiyaal badbaadiya kana badbaadiya sedexdan nin ee Taariikhda madow ku reebay Wadajirka iyo Walaaltinimada ummadda Digil i Mirifle ee kala ah Maxamed Cismaan Jawaari, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Aadan Farkeeti.
Sikastaba Walaaltinimada iyo wadajirka Digil i Mirifle ma dhaawici karaan sedexnin oo hunguri qaaday oo weliba isku beel ah inay cantuugtaan wixii ummadda ka wada dhexeeyay.