Dil Caawa ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa caawa waxaa lagu soo waramayaa in lagu toogtay ruux rayid ah oo aanan la garanaynin sababta ka danbaysa dilkiisa.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo halkaasi oo kooxaha hubaysan ay ku toogteen qofka dhalinyarada ahaa.

Waxaa la sheegay qofka la dilay in lagu magacaabi jiray Maslax, kaasoo ka mid ah dhalinyarada magaalada ilaa iyo iminkana lama garanayo sababta ka danbaysa dilka wiilkaan.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa durbaba gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Baydhabo kuwaasi oo goobta ka sameeynaya baaritaano adag oo ay ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay qofka shacabka ah.

Baydhabo Janaay oo ay hada ka socdaan dhaqdhaqaaq lagu soo dhawaynayo martigelinta dowlada goboleedka Koonfurta Soomaaliya oo ay raali ka yihiin dadka ku dhaqan Lixda Gobol ayaa hadana ciidamada dowlada waxa ay wadaan sugidda iyo adkeynta dhanka ammaanka ee magaalada, inkastoo falalka lidi ku ah ammaanka ay bilooyinkaan dambe aad ugu yaraayeen.

Daafeet.com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

somali Somalia to take over control of airspace by year end
- May 20, 2013
Somalia is preparing to take over the control of its airspace from the International ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...
kis Warbixin dhab ka hadal ah..Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa.
- May 20, 2013
Kismaayo nasiib daranaa, Anaa leh iyo anaa Taabsaday badanaa, Qabiilo isku baheysta hadba badanaa. Halkan ...
xil Xildhibaano kala ujeedo ah balse ku midaysan ridida Saacid.
- May 20, 2013
Xildhibaano aanan isku dan aheyn oo ka tirsan barlamanka Soomaaliya ayaa isku fakir ka ...
askar Dagaal ka dhacay Faafax-dhuun iyo mushaaraad la qeybiyey askarta Dowlada.
- May 20, 2013
Dagaal xoogan oo la isku adeegsadey Hubka noocyadiisa kale gedisan ayaa fiidnimadii xaley waxaa ...