Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Baaq u Direy Shacabka Somaliyeed iyo Hay’adaha Nabadgelyada

0
22

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa baaq ku aaddan doorashooyinka 2016-ka dhacaya u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddanku uu ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay shaqaalaha laamaha kala duwan ee dowladda inay dardar-geliyaan fulinta waajibaadkooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda farey inay ilaaliyaan hantida qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqey hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintooda uga qaataan sugidda amniga ee marxaladda kala guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee dalka.

Waxaa uu Madaxweynaha dhanka kale dardaaran u diray guddiyada doorashada ee heer federaal, heel maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira.