Aqriso Qormadii Burfuule Gaabo Iyo Damaca Waalan ee Beelaha Hawiye Ka Damacsan Yihiin Gobolka Banaadir

0
178

Inkastoo aanan jeclayn inaan ku dhawaaqo magac qabiil hadana waxaan soo xasuustay hadal uu yiri filisoofarkii weynaa ee soomaaliya Faarax Gololey AHN “Abtirsiimo waxaan ku nacay markii la i yiri Habar Gidir baa Murursade kaa xigta”.

Mar kalena odagii Faarax Gololey AHN oo ka dhashay Hawiye ayaa nin ay saaxiib ahaayeen ku yiri:
“Inta Hawiye afar ka kooban yahay dawladnimo u hir gashaa ka dheer:

1/ Dabbaalnimada Abgaal. 2/ Damaca Habar Gidir. 3/ Diradiraynta Murursade ( Isku dirka ) 4/ Xaasidnimada Xawaadle.

Prof. Togane waxa asne uu ku tilmaamay qarkood in lagu habaaray ” CALOOL AAN DHERGEYN, CARAB AAN XISHOON, CAG AAN JOOGSAN”
Hordhacaan waxu daba socda marki malmahaan dagaal-oogeyaal macaruuf ah kuna qaraabta magaca Hawiye ey soo noolayeen dorashada ka hoor riyo malmeed iyo damac waalan oon aan dhamaad laheyn ahne in magaalada Xamar iyo gobolka Benaadir leeyahin Hawiye iyagoo dadka Soomaalida kalena ey ku jiraan REER BANAADIRKA MAGAALADA XAMAR ISKALEH inay marti ku yihiin.

Hadafka ayaa ah in beelaha Banaadiriga iyo beelaha kale oo la daga laga boobo milkiyadda magaalada Xamar. “Odayaasha” dhaqanka beelaha Hawiye (OPPS! HAWIYE OO DHAN MA EHIN – WA QOLODAAN HADA LOO YAQAAN XAMAR DAFE)) WAXEY KU ANDACOONAYAAN IN EEY XAMAR KA DHIGAAN CAASIMADA BEELAHA HAWIYE. “Odayaasha ku sheega” waxey rabaan in eey inkiraan TARIIKHDA faca weyn ey leedahay magalada Xamar iyo dadka asalowga ee dhistay – wa Reer Xamarka oo ka tirsan qomiyada Banaadir.

Reer Xamarka waxa waqti dambe la soo dagay oo wax la wadaagay Xamar/Daye oo ka tirsan beesha Abgal. Reer Xamar & Xamardaye oo tariikhda la xariirso magaalada Xamar aya manta la damcay in la qaadsiyo ayado la istacmaalayo dalada Hawiye.

Tariikhda magaalada Xamar oo qarniyaal jirta waxu macno weyn u leeyahay labad qowmiyadeed ee Reer Xamar iyo walaalaha diriska ah ee Xamar daye/Abgaal wana nasiib daro in ey si raqiis ah u damacaan dad wax magarad ah oo Xamar soo galay labatan iyo shantii sano ee ugu danbeeyay in ey badalaan asaaski Xamar lagu dhisay. Danaha laga leeyahay qof kasta wa ogsoonyahay – BILILIQO.

Taarikhda ey leeyahiin Reer Xamar mala inkiri karo, waane la wada ogsoon yahay in eey yahiin dadkii ugu soo horeeyay ee Xamar/Muqdisho daga. Reer Xamar wa qabiil ka mid ah bah weeynta Reer Banaadiri.

Reer Xamar iyo Reer Benaadir guud ahaan waa dad lagu yaqaan dhaqan sare oo reer magaalnimo, nabad jaceel, waxeeyna ku caan baxeen ganacsiga, iyo ilbaxnimo soo jiritaan ah. Waxeey daagaan gobolka weyn ee Benaadir qaasatan magaalooyinka Xamar, Marka Cadey iyo Baraawe. Reer Xamar iyo Xamardaye way is yaqaaniin, qarniyaal ey wada dhaqmi jireen mana u baahana dhex-yaal.

Sheekada iyo DAMACA inta kuma eka ee sanadihii la soo dhaafey isla “odiyaashan” oo moryaanimada jaahilnimo ku darsady ayaa warbaahinta ka sheegay in gobolka Sh.hoose ay 80% beesha Hawiye leeyahiin, iyadoo qof waliba ogyahay in gobolka Sh.hoose aysan jirin xata hal tuulo ee Hawiye kaligeed dagto.

Sidoo kale, isla odeyaashaan ayaa markii ugu horeysay ey maqleen in Soomaaliya qaadatay nidaamka federalka waxay warbaahinta ka sheegeen in beesha Hawiye degto Gaalkacyo ilaa Kismaayo, taasoo ay la fajaceen umada Soomaalida oo dhan.

Farshaxaniiste Amiin Caamir oo isaga ah reer Xamar asal ah ayaa kartoono (hoos) badan ku muujiyey damaca waalaan ee “odeyaashan” iyo qolada ey matalaan ee ka yimid Cadaado iyo Ceelbuur ku sheeganayaan milkiyadda Xamar iyo Gobolka Benaadir.

BILILIIQO IYO XARAAN KU NOOLASHA OO LAGU YAQAANI ARINTAAN WAA KA WEENTAHAY. Mar hore aya la yiri: Hal xaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho. Subhanallah. waa wax laga xishoodo.

dulmi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Burfuule Gaabo

Mr.Burfuule@yahoo.co.uk