War Deg Deg Ah Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Maanta Ka Dhacay Xarunta Dowlada Hoose ee Magalada Gaalkacyo

0
25

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Qaraxyo is Xig xiga ay ka dhaceen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa hore ayaa la sheegay inuu ahaa Ismiidaamin,kaasoo lala beegsaday Xarunta Dowladda Hoose ee Puntland ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,waxaana sidoo kale la sheegay in Koox HUbeysan ay Xarunta Weerareen Qaraxa ka dib.

Toban Daqiiqo ka dib ayaa waxaa dhacay Qarax kale oo ahaa Gaari la dhigay Meel u dhaw Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada gaalkacyo.

Wixii kasoo kordhaa dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haduu ila idmo.