Guuxa dadweynaha…Shariif Xasan Shaxdan La Degay Ma Ciyaari Karaa?!

0
42

Guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay maanta kawada dheregsan yihiin in Siyaasada dalka haatani ku jirto marxalad kala guur ah taasi oo halkii geedigeeda ku furmaaba saamayn aad u weyn ku yeelan doonta Mustaqbalka iyo Masiirka dhamaan beelaha Soomaalida oo Qawmiyada Digil iyo Miriflena ay kow ka tahay.

Isbedeladan la rajeynaayo inay dhacaan ayaa waxay saamaynta ugu horeysa ku yeelan doonaan hay’adaha dalka hogaanka u ah oo idil sida Fulinta iyo Awoodaheeda,Golaha Sharci dejinta labadiisa caqal iyo Howlihiisa,Maxkamada Sare,Dhameystirka iyo kasaarista ku meel gaarnimada maamulada Fedraalka dalka,Dastuurka qabyo qoraalka,Asxaabta Dalka iyo Dhismaha Ciidamada qalabka sida oo loo dhanyahay.

Isbedeladan baaxada iyo saamayntaba lihi ayaa waxay dhacayaan xili aan la tirin dadka ku nool dalka si xuquuqda matalaada golayaashu ay u noqdaan kuwo ku qotoma hanaan leh Sinaan iyo Cadaalad taa bedelkeedana waxaa la qaatay nidaam ku dhisan Sadbuursi iyo dhac oo aan la jaanqaadi karin Dowladnimada casriga ah,wadajirka iyo wada noolaanshaha ummadda midna,Ugu danbayna sababi kara burbur ka qaraweyn kan maanta na haysta.

Si looga mira dhaliyo Isbedeladan saamaynta adag lihi ayaa waxaa hubaal ah in loo baahan yahay in la helo badbaadiyayaal leh Aqoon,Waaya aragnimo,Hufnaan iyo Karti lagu matalo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan Qawmiyada Digil iyo Mirifle si gaar ah maadaama qaraarada kasoo baxa lagu maamuli doono ummadda waqti dheer.

*Faa’iidada iyo Khasaaraha Isbedelka.

Guud ahaan kolka laga hadlayo ummad kasoo kabanaysa dagaal Sokeeye doonaysana inay cagta saarto wadada Dowladnimo waxaa lama huraan ah inuu jiro Dastuur ku qotoma Cadaalad sal leh layskuna waafaqsan yahay dhowristiisuna waajib ku tahay dhamaan,Isbedelada ka dhaca Caalamka waxay ku bilowdaan dareen ka yimaada Shacabka kadibna u gudba hogaanka,Hayeeshee qaacidadan caamka ah ayaa waxaa aad uga gedisan tahay hababka ay ku yimaadaan Isbedelada ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya oo aad arkayso in Shaqsiyaad damac siyaasadeed lihi ay abuuraan Dareen Shacab si ay ugu daneystaan.

Habkan siyaasiyiinta Soomaalidu dhaqanka ka dhigteen ayaa waxaa hubaal ah in marwalba uu soo bandhigayo Guulaystayaal iyo Guuldareystayaal,Waxayna taasi ummadda u horseedaysaa ugu danbayn Burbur iyo Dhibaato iyadoo bedelkeeda la heli karo in ay guud ahaan ummaddu wada noqoto Guulaystayaal wax ku goosta Dastuur Cadaalad sal u ah.

Hadaba kol hadii isbedelada imaanaya ay ku salaysan yihiin qaacidada Guulaystayaal iyo Guuldareystayaal ma waanay kuu muuqan in Khasaare ma ahee aan faa’iido ku jiri doonin isbedelada la doonayo inay dhacaan?

Hardanka Siyaasiyiinta beeluhu ugu jiraan sedbuursi lagu helo Indhacadeys ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo qaacidada maanta jirtaana ay muujinayso in Qawmiyada Digil iyo Mirifle,Beelaha Direed iyo beesha Shanaad intuba yihiin kuwo Guuldareystay halka Darood iyo Hawiyena yihiin kuwo Guulaystay inkasta oo ay weli iyaguna xusul duub ugu jiraan inay sii kala guulaystaan!

Guuldarada beelaha Direed runtii ma ahan mid inaba dhibaato ku ah Ummadda ku abtirsata beelaha Direed maadaama ay horeyba uga tashteen Makriga Hawiye iyo Daarood oo dhulkooda intii ugu weyneydna gacantooda ugu jiro oo ay iyagu ka taliyaan,Waxaa sidoo kale iyaguna wax uun ka heli doona Hanbada Hawiye iyo Daarood ummadda ku abtirsata beesha Shanaad walow xuquuq ka maqnaan doonto hadana waa ay dhaami doonaan duulkan caqligooda dumay ee Digil iyo Mirifle.

Shaki kuma jiro in Digil iyo Mirifle ay noqon doonaan inta guuldareysatay ee aan soo sheegnay kuwo ugu sii guul darada badan sababahan soo socda awgood.

*Hogaan la’aan

Shaki kuma jiro in shacabka ku abtirsada Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay maanta ka aradan yihiin Hogaan leh Aqoon,Waaya aragnimo,Hufnaan iyo Karti hogaamineed,Waxa kaliya ee maanta hogaan ahaan ummadda Digil iyo Mirifle u horsocdaana ay yihiin Aqoon laawayaal aragti yar,Dulaalnimo iyo karti xumana u dheertahay tusaalena inoogu filan Hogaamiyaha Aalu Baydka ku abtirsada ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

*Marjac la’aan

Kol hadii hogaanka Siyaasiga ah ee Ummadda uu ma gudbe noqday ma waaney ummaddi badbaadin jirin hogaankoodii Dhaqameed,Diimeed iyo Waxgarad oo ahaa Marjica ummadda ku tiirsato dib u kabashadeeda? Aawayna Dhaqankii Digil iyo Mirifle?Rajulu Diinkii se halkay ka dhaceen?Waxgaradkiina aaway?.

Waxaa hubanti ah inay qaybahan aan Marjica ummadda kasoo qaadanay ay yihiin kuwa gabay ummaddooda loona baahan yahay inay ummaddu ku baraarugto wax ka qabashadooda.

*Hadaf la’aan

Tan iyo wixii ka danbeeyay Afgambigii askarta 1969 gii ku laaleen hay’adihii Dastuuriga ahaa ee dalku lahaa ilaa iyo maanta waxaanba jirin Hadaf istiraatiijiyad leh oo Digil iyo Mirifle kasoo unkamay oo lagu badbaadinayo mustaqbalka jiilka nool iyo kuwa dhalan doono ee Digil iyo mirifle,Iyadoo aan sina looga leexleexan tanina eedeeda waxaa leh Aqoonyahanada Qawmiyada oo dhankooda hoos galay Hogaanka magudbe Shariif.

Kol hadii Ummaddan ku abtirsata Qawmiyada Digil iyo Mirifle shalay la dhacay Dhulkood(Bakool,Gedo,Shabeelaha hoose,Jubada dhexe,Jubada hoose iyo Banaadir)Dhaca dhulka la dhacayna uu gacanta ugu weyni lahaa Hogaamiyaha Aalu Baydka ku abtirsada ee Madaxweynaha maamulka KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ,Maantana loo fadhiyo qaabkii loo dhici lahaa xubnaha ay ku yeelanayaan Caqalada dhismi doona ee hay’adaha heer Fedraal(Fulinta,Golaha Sharci dejinta labadiisa caqal iyo Maxkamada Sare ,Dhameystirka iyo kasaarista ku meel gaarnimada maamulada Fedraalka dalka, dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka,Asxaabta Dalka iyo Dhismaha Ciidamada qalabka sida oo loo dhanyahay)Maku haleyn karnaa Digil iyo Miriflow Shaxdan la degay inuu Hogaamiyaha Aalu Baydka ku abtirsada ee maamulka KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noo ciyaaro? Isla markaana aan ka sugno inuu noo soo dhiciyo xuquuqda Mugdiga uu gelshay ee mustaqbalka Qawmiyada Digil iyo Mirifle?!
Qalinkii.
Abdiaziz ShSalah.
Waa inoo Talaadada Danbe Idin ALLE.