Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalka Somaliya oo Sheegey In Ciidamo Ka Socda somaliya aan Loo Diri Doonin Koonfur Suudan

0
33

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salan Hadliye Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay in Ciidamada Afrikaanka ah ee Nabad Ilaalinta loo geynayo Wadanka Koofurta Suudaan oo uu ka soconayo Dagaal Sokeeye in ay ku jiraan Ciidamo Soomaali ah.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Waddamada Itoobiya,Uganda iyo kuwo kale ay ka qeyb gelayaan Ciidamada loo dirayo dalkaasi,waxaan uu sheegay in hadda aysan Soomaaliya ku jirin isaga oo aan meesha ka saarin suurta galnimada in loo baahan karo Ciidan Soomaaliyeed.

Kulan ay madaxda Ururka IGAD ku yeesheen bishan magaalada Addis Ababa ayay uga Hadleen Xaaladda dalka Koonfurta Suudaan, qorshaha ciidamo nabad ilaalin loogu dirayo waddankaas iyo sidii xasilloonida loogu soo celin lahaa.