Weerar ay Alshabab Xalay Ku Qaadey banaadir Beach oo Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 10 Ruux

0
17

Kooxda alshabab weerar ay xaley ku qaadey Banadir Beach ayaa waxaa lagu waramayaa in ay weerar kaasi ku dhinteen in ka badan 10 halka dhaawacana uu kor u dhaafey 20.

Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa soo Gaba-gabeeyay Hawlgalka, iyagoo xusay in la dilay kooxihii weerarka soo qaaday, marka laga reebo mid ka mid ah kooxahan oo gacanta lagu dhigay.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay gudaha u galeen maqaayada, isla markaana ammaanka ay xaqiijiyeen.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa xusay in dadka djhintay ay ku jiraan laba askari iyo shan qof oo shacab ah. Wuxuuna xusay in mid ka mid ah dableydii soo qaaday Weerarka la hayo isagoo dhaawac ah.