DRS. ZUBEYDA MAXMED MALAAQ MUKHTAAR OO SHAACISAY IN AY TAHAY MUSHARAX U TAAGAN XILDHIBAANIMADA BFS EE 2016

0
70

Xili weli ololaha musharixiinta xubnaha Baarlamaanka Federalka sooomaaliya ay ka socoto magaalada Baydhabo  Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Drs Zubeyda Maxamed Malaaq Muqtaar ayaa maanta ololaheeda ku aadan musharaxnimo ay u taagan tahay ka mid noqoshada xubnaha Baarlamaanka kusoo bandhigtay Baydhabo.

Munaasabad lagu wargelinaayey dadweynaha ku nool deegaanka ay ka soo geli karto  Musharax Zubeyda ayaa lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabada waxaa ka soo qayb galay odoyaal dhaqameedyo xildhibaaano,Aqoonyahano,siyaasiyiin,culmaa’udiin, waxgarad, Haweeen, iyo dhalinyaro . Munaasabada waxaa ka hadlay masuuliyiintii iyo waxgaradkii kasoo qaybgalay.

Ugu danbeyntii  Waxaaa Kulanka Ka hadashey Musharax Drs Zubeyda Maxamed Malaaq Muqtaar oo sheegtay u jeedada iyo sababta ay isu soo shaxday waxaa ay sheegtay in dalka uu u baahan yahay isbedel siyaasadeed oo kaqayb qaadanayaan hawenka oo iyagu xiligan kaalin ku leeyihiin Baarlamaanka somaliya 2016-2020.