Howlgalo ka dhacay xaafada Islii oo lagu soo qabqabtey Somali fara badan

Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran oo ay shalay ilaa xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ku qab-qabtay in ka badan 300 oo qof oo u badan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Goobaha ay ciidamadu howlgallada ka sameeyeen ayaa ah nawaaxiga masaajidkii uu qaraxa ka dhacay iyo waaxda sec3 ee xaafadda Islii, waxayna ciidamadu guri-guri u galayeen dhismayaasha ku yaal goobahaasi.

Ciidamada ayaa dadka ay qabteen waxa u badnaa Soomaali aan heysan sharci ay dalka ku joogaan, waxaana dhamaan dadkii la qabtay loo taxaabay xabsiga, iyadoona sidoo kale ciidamadu ay dabagal ku hayaan gaadiid looga shakisanyahay in uu watay ruuxii bamka tuuray.

Taliyaha ciidamada booliska Nairobi Moses Ombati oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka lagu soo qabtay howlgallada ay u badan yihiin dad aan heysan dukumintiga aqoonsiga ee dalka lagu joogo, wuxuuna sheegay in ay ku raadjoogaan gaadiid la aaminsan yahay in ay isticmaalayeen dadkii qaraxa ka danbeeyay.

Daafeet.Com


Shabakada Daafeet.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail comments@daafeet.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

farole Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadley Dastuurka soona dhaweeyey Maamulka loo dhisey Jubaland
- May 21, 2013
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay Dastuurka dalka iyo ...
baris Ciidamada Boliska iyo kuwa Nabadsugida oo maanta howlgalo lagu sugaayo amaanka ka sameeyey Magalada Muqdisho
- May 21, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliiska Iyo Nabadsugida ayaa saaka howlgal wadajir ah waxa ...
baydhabo Muran dhexyaaley Maamulka Gobolka Bay oo lasoo Af-jarey
- May 21, 2013
Khilaaf dhowaan soo kala dhex galay maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ...
xildhinaada Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka geeyey oo dib u gurasho sameeyey
- May 21, 2013
Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ...
wadajiro Wararka Wadajirradio Atlanta.
- May 20, 2013
---Madaxweynaha Soomaaliya oo Soomaaliland oo ugu baaqay in ay la midowdo mar kale Soomaaliya ...