Howlgalo ka dhacay xaafada Islii oo lagu soo qabqabtey Somali fara badan

0
63

Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran oo ay shalay ilaa xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ku qab-qabtay in ka badan 300 oo qof oo u badan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Goobaha ay ciidamadu howlgallada ka sameeyeen ayaa ah nawaaxiga masaajidkii uu qaraxa ka dhacay iyo waaxda sec3 ee xaafadda Islii, waxayna ciidamadu guri-guri u galayeen dhismayaasha ku yaal goobahaasi.

Ciidamada ayaa dadka ay qabteen waxa u badnaa Soomaali aan heysan sharci ay dalka ku joogaan, waxaana dhamaan dadkii la qabtay loo taxaabay xabsiga, iyadoona sidoo kale ciidamadu ay dabagal ku hayaan gaadiid looga shakisanyahay in uu watay ruuxii bamka tuuray.

Taliyaha ciidamada booliska Nairobi Moses Ombati oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka lagu soo qabtay howlgallada ay u badan yihiin dad aan heysan dukumintiga aqoonsiga ee dalka lagu joogo, wuxuuna sheegay in ay ku raadjoogaan gaadiid la aaminsan yahay in ay isticmaalayeen dadkii qaraxa ka danbeeyay.

Daafeet.Com